3504 Views

WAR SAXAAFADEED – AFDUUBKA WERIYE HANAD CALI GULEED OO KA TIRSAN GOOBJOOG

WAR SAXAAFADEED – AFDUUBKA WERIYE HANAD CALI GULEED OO KA TIRSAN GOOBJOOG
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 1, 2017 – FAAFIN DEGDEG AH – Wariye Hanad Cali Guuleed oo war soo saare ka ah Goobjoog Television ayaa subaxnimada Sabtida waxaa rag aan heybtooda la garan ka afduubteen duleedka magaalada Muqdisho.

Guuleed ayaa maalmahan ku howlanaa olole bini’aadannimo, isaga oo wax ka aasaasay hay’adda Media for Aid, qoyskiisa waxaa ay sheegayaan in habeennadii dambe loogu hanjabayey khadka Telefanka, loona sheegay in uu howlahaasi ka haro.

Qoyska Hanad,  waxaa afduubkan u sababeynayaan arrimo la xiriira howlaha gargaarka iyo ololaha Media for Aid.

Hanad Cali waxaa uu qoyskiisa soo wacay waxyar kadib markii la afduubtay isaga oo sheegay in qol yar lagu xiray, lana jirdilay, wixii intaa ka dambeeyayna xiriir lagama hayo.

 “Afduubka Hanad Cali Guuleed waxaa ay dhaawaceysaa damiirka warbaahinta Soomaaliyeed, waana sii socoshada dadaallada lagu aamusinayo saxafiga ay ka go’an tahay in uu runta sheego, una noqdo cod Soomaalida aan codka laheyn” sidaasi waxaa yiri agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group Xasan Maxamud Maxamed.

Goobjoog Media Groups waxa ay cambaareyneysaa afuduubka Hanad Cali Guuleed, waxaa ayna  ka wal-walsan tahay noloshiisa, ciddii afduubatayna waxa ay ugu baaqeysaa in si dhaqso ah ku daayaan.

.

.

Wixii Faahfaahin Ah, La Soo Xiiriir:

Agaasimaha Goobjoog Media Group

Cassan Maxamud

+252 615 822304

___________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment