2682 Views

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka tacsiyadeeyey Wasiir Nuur Faarax oo xalay ku geeriyooday Muqdisho

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka tacsiyadeeyey Wasiir Nuur Faarax oo xalay ku geeriyooday Muqdisho
____________________________________________________________________________

Innaa Lillaahi wa innaa illeyhi raajicuun………

Muqdisho, Apriil 2, 2017 – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Golaha Xukuumada ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Nuur Faarax Xersi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gadiidka Badda ee xukuumadii hore.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ummada Soomaaliyeed, ee uu ka baxay, isaga oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala Muqdisho oo uu labadii todobaad ee ugu dambeysay ku xanuunsayay.

“Aadbaan uga naxay geerida Nuur Faarax Xirsi, waxaana alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno siiyo, Samir iyo iimaana ka siiyo qoyskii uu ka baxay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku tilmaamay inuu ahaa Nuur Faarax shaqsi howlkar ah oo daacad ah, isla markaana qeyb weyn ka qaatay sidii dalka horumar loo gaarsiin lahaa.

.

.

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment