3261 Views

R/Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyey R/Wasaare ku Xigeenka Turkiga.

R/Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhaweeyey R/Wasaare ku Xigeenka Turkiga.
____________________________________________________________________________

Muqdisho – April. 2, 2017 – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Eng. Mahdi Axmed Guuleed oo weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda an walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Veysi Kaynak.

Labada Ra’iisul Wasaare ku xigeen ayaa wadajir u booqday xarunta Bisha Cas ee Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku wareejiyey Gaadiid iyo agab kale oo loogu talagalay in kor loogu qaado Bilicda Caasimadda Muqdisho.

Mudane Veysi Keynak ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxana ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan abaaraha ka jira dalka iyo sidii ay gacan mugleh uga geysan lahaayeen.

rw-xigeen-soodhaweyn-turki-10 rw-xigeen-soodhaweyn-turki-9 rw-xigeen-soodhaweyn-turki-8 rw-xigeen-soodhaweyn-turki-7 rw-xigeen-soodhaweyn-turki-6 rw-xigeen-soodhaweyn-turki-5 rw-xigeen-soodhaweyn-turki-4 rw-xigeen-soodhaweyn-turki-3 rw-xigeen-soodhaweyn-turki-2 rw-xigeen-soodhaweyn-turki-1

.

.

.

______________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment