5559 Views

XAFIIS IYO SHAQAALE AYAAN LA WAREEGAY EE “HANTI” LAMA WAREEGIN

XAFIIS IYO SHAQAALE  AYAAN LA WAREEGAY EE “HANTI” LAMA WAREEGIN
____________________________________________________________________________

 

April 3, 2017

XAFIIS IYO SHAQAALE  AYAAN LA WAREEGAY EE “HANTI” LAMA WAREEGIN.

Horaa loo yiri “aqoon dari, abaari ka daran”

Waa hadaladii mid ka mid ah wasiirada cusub, “Xafiis iyo Shaqaale ayaan la wareegay ee “Hanti” lama wareegin”,

Sida la wada ogyahay, waxaa si xowli ah u socda Xil isku wareejinta wasiirada Cusub iyo kuwii hore, iyadoo ay jiraan dhaliilo la xiriira habka xil isku wareejinta.

Wasiirada cusub waxay filayaan in lagu wareejiyo Xafiis ay u dhanyihiin wixii hanti iyo Dukumiinti uu lahaa xafiis kasta, laakiin waxaa soo shaac baxaya in xafiisyada qaar aysan jirin nidaam isku toosan oo lagu wareejin karo xilka nidaam isku toosan, waayo waxaa ka jira kala daadsanaan badan oo anan suuro gelin Karin in ay dhacdo xil wareejin  ku saleysan nidaamkii dowliga ahaa ee la yiqiinay.

Wax yaabaha ugu badan ee laga cabanayo, ayaa waxaa ka mid ah, Arimahan.

  • Xafiisyada intooda badan waxaa ka muuqda bur bur iyo dayactir la’aan.
  • Majiro dhaqaale lagu wareejiyey wasiirada cusub.
  • Shaqaalaha wasaaradaha lamasiin mushaar 2 bilood ilaa 3 bilood, hay’adaha qaar waaba ka sii badantahay.
  • Wasiir kasta wuxuu horey u sii QATAY Gadiidkii wasaaradu lahayd iyo ilaaladiisi.
  • Wasiiradii hore waxay ka Codsadeen wasiirada Cusub in ay shaqaalaha siiyaan Mushaarada ka maqan!!!.
  • Wasaarad kasta Shaqaalaha ugu badan ee ka shaqeeya, waxay intooda badan isku heyb yihiin wasiirkii horey u joogay.
  • Waxaa la Cadeeyey Shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradaha intooda badan in aysan lahayn AQOON iyo Waayo Aragnimo ku filan ee la jaan qaadi karo nidaamka dowliga ah.
  • Shaqaalaha mahelaan Tababaro iyo wacyi gelin kufilan si kor loogu qaado Aqoontooda, wax soo saarkooda.

Hadaba waxaa iswaydiin mudan, hadii larabo wasiirada cusub in la yimaadaan isbedel cusub iyo Hal abuur, si loo dar dar geliyo huru socodka dowlada, sidee wax looga qaban karaa, durufanhan kor ku xusan, gaar ahaan Mushaar la’aanta Shaqaalaha iyo Shaqaale u badan Halqabiil, waayo wasiirka cusub waxaa Qasab ku ah in uu helo shaqaale la jaan qaadi karo isbedelka cusub

Waxaa yaab iyo lama filaan ah in wasiirada qaar ay horey u qaataan Gaadiidkii dowlada, iyagoo og in ay wasaarada u bahan tahay hantideeda si loo fududeeyo shaqooyinkii loo lahay Dadka iyo Dalka.

War iyo dhamaan, MD waynaha, R Wasaaraha iyo Hanti dhowrka Guud waxaa laga Codsanayaa in ay si deg deg ah, wax uga qabtaan ku Tagri falka Hantida Qaran ee loo isticmaalayo Ariamah Gaarka ah, waayo waa waajib in wasiir kasta wareejiyo wixii Hanti wasaaradiisu lahayd, wasiirada cusubna waa in ay dabagal ku sameeyaan wixii Hanti maqan wasaaradooda.

Somaalidu waxay tiraahdaa “nin xilqaaday eed qaad” dowlada cusub iyo Golaha Shacabka waxaa laga sugayaa in ay layimaadaan Dadaal muuqda iyo Daacadnimo dheeraad ah si loo soo celiyo KALSOONIDII shacabka, waxaana xaqiiq ah in wax badan la qaban karo hadii waxqabadka iyo iskaashiga lagu saleeyo Aqoon, Daacadnimo iyo Asluub wanaag.

.

.

W/Q Cumar Farax

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment