3681 Views

Eedo lacag ma’udirtaan Liibiya?

Eedo lacag ma’udirtaan Liibiya?
____________________________________________________________________________

April 4/2017

EDDO LIIBIYA LACAG MAGAYSAAN?

 

Allaha u Naxariistee Abwaan Somaaliyeed baa yiri, mar uu noo shegayey qiimaha Hooyada, sidan.

Hoyadu waa lama huraan.

  • Muddaan uurka hurrud noo
  • Culays bey hayn jidhee
  • Talaabtey la hakatoo
  • Xanuun bey la hingateye
  • Habeen goor uu bartamay
  • Caanihii bey nagu habtoo
  • Horaadkey noo dhigtoo
  • Dharkii bey na huwiseye
  • Hoyadu waa lama huraan

Aqristow markaad aragtay Ciwaanka maqalkan, maxaa kugu soo dhacaya?, waa Calool xumo iyo Ciil, cawo iyo ayaan daro, u soo hoyatay waalidiinta Somaaliyeed!!!.

Waa subax barqa ah, waxaan joogaa Xawalad ka mid ah xawaladaha Somaaliyeed, waxaan sugayaa in la ii qidmeeyo oo waxaa iga horeeyo macaamiil kale.

Waxaa soo gashay qof dumar ah oo ay kamuuqato MURUGO iyo Wal wal badan, waxayna leedahay ‘Yaa ii muslina”, waxay istaagay Dariishada laga Bixiyo lacagaha ama laga diro, waxay shaqaalihii ku salaantay ,salaanta Islaamka!, Cidna kama qaadin salaanta, mar kale way ku celisay salaanta, waxayna raacisay hadal ah “maad ila hadashiin”, waxay kor uqaday codkeeda si loo maqlo.

Waxaa u yeeray nin fadhiya Xafiis kale, waxay gashay Xafiiskii, iyadoo aad u Cabanaysa, waxayna ku tiri “Eedo LIIBIYA LACAG MA U DIRTAAN”?, wiilkii ayaa ku yiri “maya ee Raadi Xawalad Hebel, waxay tiri xagey ku taal Xawalada aad ii sheegtay? Ninkii masiinin TILMAAN Fiican, mana ahayn nin fahmi kara MURUGADA ka muuqatay waji HOYADAAS Somaaliyeed, waxayna ka soo baxday iyadoo leh “yaa igaynaya meesha ay ku taal xawalad hebel”, taasi waxay ku tusinaysaa in Hoyaas aysan aqoon u lahayn Magaalada, laakiin ay ka fursan waysay sababta ay liibiya lacag ugu dirayso.

Gabar fadhisay kursi oo aan filayo in ay ka mid ahayd Macaamiisha Xawlada ayaa tiri “Edo xawaladee ayaad rabtaa, maxaase kugu dhacay”?, waxayna ku tiri waxaan rabaa xawalad hebel, WIIL BAA LIIBIYA IIGA XIRAN oo waxaa la iga Rabaa LACAG DEG DEG ah Edo”, oo hadii anan dirin “waa la dilayaa” Gabadhii ayaa tilmaantay Hooyadii, waxayna aaday Xawaladii kale, iyadoo leh “Alla yaa ii muslina”

Waxaan iswaydiiyey kaligay, yaa u maciina Hoyadaan, waayo waxaa ka muuqatay DURUUF adag, sida ka muuqatay JIRKEEDA iyo DHARKEEDA, waxay ahayd qof waayeel ah oo aan filayo in aysan shaqaysan Karin,  lacagta ay diraysana aysan ahayn lacag yar, waan dareemi karaa in ay dirayso wixii KAYD hore ay haysatay ama laga yaabo in ay EHEL kaalmo ama DEYN way diisatay, hadii ay kayd keedi dirto ama Deyn qaadato yaa u maqan, waa su’al mudan in la iswaydiiyo?, wiilkisi ma ku badbaadi doonaa?, mise mar kale ayuu lacag u bahan doonaa?

Hadaba, Dhibka haysto Hoyadaas ma ku ekaan doonaa Maalintaas, mase waxaa dhici doonto in marar kale loo soo sheego wiilkaagi Lacag kale ayaa laga Rabaa, hadii ay dhacdo in mar kale ay timaado duruuf taas la mid ah Yaa u maqan Hoyadaas?

Ugu dambayn, waxaa maqli jiray “nimaad dhashay kuma dhalin”, Hoyaas dhibka ay marayso iyo Murugada ka muuqatay, waxaa kalifay shaqsiyaad Dalaaliin ah oo laga yaabo in ay Tariibiyeen wiilkeeda, waxayna u soo kordhiyeen Hoyaas laba dhib oo kala ah, wal wal ah wiilkeeda xaalada uu ku suganyahay iyo Qarash aysan ka bixi Karin, waana hal kudhigii ahaa “Qadar Alle iyo ku qabatay waa laqaataa”.

Waxaan leeyahay waa in Talaabo adag laga qaadaa kuwa Caruurta iyo waalidkood kala geeya, kuna kalifa waa Lidiinta in ay ku jiraan wal wal iyo walaac joogto ah, waayo Cunug aad dhashay oo dhibkiisa laguu soo sheegay waa Hurdo iyo Hoyasho la’aan.

Allow adaa umaqan umadaada ee u maciin, hadaan arimahan aan si deg deg ah wax looga qaban, waalid badan waa ku sii jiri doonaan dhibkan aan la ogayn goorta uu dhamaan doono.

Ugu dambeyn Hey’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha waa in ay si Aqoon iyo Xeelad ah u raadiyaan dadka ka dambeeyo Arimahan iyagoo la kaashanaya laamaha Amaanka, waana in la adkeeyo ilaalinta Garoomada iyo Xeebaha laga Tahriibo.

Waxaa calool xumo iyo Ciil ah, ubadkii noqon lahaa MUSTAQBALKA berito oo ku dhamaanaya SAXARAHA iyo BADDAHA, cid u maqana aysan jirin, Caruurtan oo aan ogayn intooda badan dhibaatada Qurbaha.

.

W/Q Cumar Farax

Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment