6996 Views

Ka ganacsiga xoolaha nool iyo dhoofinta hilibka oo hoos udhacay

Ka ganacsiga xoolaha nool iyo dhoofinta hilibka oo hoos udhacay
____________________________________________________________________________

April 5, 2017

 

KA GANACSIGA XOOLAHA NOOL IYO DHOOFINTA HILIBKA OO HOOS U DHACAY.

 

Sida la wada ogyahay dhaqaalaha Somaaliya, wuxuu ku tiirsanyahay Dhoofinta xoolaha nool iyo dhoofinta hilibka, waana ilaha dhaqaale qeyb ka mid ah, waxaana ka shaqeysta Ganacsato aad u badan oo miisaan ku leh dhaqaalaha Dalka.

Hadaba warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo muhiim ah, ayaa waxay sheegayaan in ay aad u yaraatay dhoofinta xoolaha iyo dhoofinta hilibka, waxayna sababtay in ay dad badani ay ku dhacdo shaqo la’aan, iyadoo ay la soo deristay dadkaasi wal wal iyo walaac la xiriira nolosha shaqo la’aanta darteed.

Mar aan la hadlay Qof dumara oo ka ganacsata xoolaha, waxay ii sheegtay “mudo ilaa 4 afar us buuc ah in aysan shaqo tegin”, waayo waxaa la wayey  ama yaraaday xoolihii la keeni jiray Suuqyada xoolaha”, waxayna wal wal badan ka muujisay shaqo la’aanta la soo deristay iyo sidii ay ku daberi lahayd Nolosha qoyskeeda.

Mar aan waydiiyey, Su’al  ah maxaa sababay arintan?, waxay ii sheegtay dhowr sababood oo kala ah,

  • Abaaraha jira oo ay ku dhinteen xoolo badan.
  • Xoolo dhaqatadii oo joojiyey iibinta xoolaha, waayo rerkasta waxaa u haray xolo aan badneyn,
  • Xoolo dhaqatada qaar, waxaa ka baba’ay xoolihii oo dhan, waxayna noqdeen dad CEYRTOOBAY oo u bara kacay dhinaca magaalooyinka.

Waxay intaas ku dartay in ay aad ugu dhib qabto soo aruurinta DEYMAHA ka maqan, waayo waxay tiri “dadkii waxaa ku yaraday Alla ka cabsigii”, “waxaan deyn siiyaa maqaayado, shaqsiyaad ka waanley ah iyo dad kala duwan”,  waxaa iigu yaab badan oo aad ii dhibay in marka aan woco dadka aan ku leeyahay Deymaha si aan u waydiisto deyntii aan ku lahaa, waxaa dhacda in aan la iga QABAN Talefanka oo ay danta igu qasabto in aan ugu tago goobahooda Ganacsi ama Guryahooda.

Inta badan waxaa dhacda in aan ka soo laabto anigoo aan waxba la iga siin deyntii aan ku lahaa, iyadoo la igu soo qanciyo Calaacal iyo balan dhow oo aan ogahay in aysan RUN ahayn, waxaa intaas ii dheer DAAL iyo QARASH iiga baxay gaari raac, waxaan hubaa hadii dadkaasi ay ka jawaabi lahaayeen Talefankayga waxaa ii baqan lahaa Qarashkii iga baxay iyo waqtigii iga dhumay.

Mar aan waydiyey, Su’al ah, ka waran hadii aadan dhiibin deyn?  Waxay tiri “hadii aan diido deynta dad kale  ayaa siinaya, waxaana ka baqayaa in aan ku waayo arintaas macaamiil ama Kastomar !!, waxaan maqli jiray “deriskaa ku dayo ama ka darnow”.

War iyo dhamaan waxaa xaqiiq ah in Ganacsiga noocan ah uu sanlaheyn damaanad lagu heli karo xoolaha ka maqan Gabadhan, dad badana ay ka faa’idaysanayaan baahida Ganacsadaha iyo kasbashada macaamiisha, waxaana suuro gal ah in ay ku dhumiso Qarashkii ay gelisay xoolahaas xolaha ay ku bixisay deynta, iskaba daaye in ay ka hesho FA’IIDO, waxaana suuro gal ah in aysiiso deyn kale isla qofkii ka qabay deyntii hore, waana oraahdii ahayd “meeshaad ku qoysato, waa lagu qalal sadaa” oo micneheedu yahay, hadii ay diido in ay bixiso deyn kale, waxaa laga qaadanayaa deyn kale deriskeeda, waxayna ku wayn kartaa deyntii hore!!!

Ugu dambeyn, waxaan leeyahay yaan la dhibin dadka masaakiinta ah ee ku caawiyey adoo dhiban, ee Alle ka Baqa, waxaa xaqiiq ah in qof walba uu ka helo fa’ido Ganacsigiisa intay doonto hala ekaatee, waayo ma jiro qof subax walba ku jira Ganacsi aan wax soo saar lahayn.

Midna aan ogaano Ficil aan lagu saleyn Alla kacabsi, wuxuu ku dhamaadaa “sifa xun iyo sumcad daro ay daba taal Su’aashii Akhiro”.

Abwaan madani, wuxuu yiri

  • Aduun yadaan dharaar lagu socdiyo dhixitin loo’joogo,
  • Ninkaan’diinta dhigan waa dhadhamin dhamacdi naareede,
  • Naftu maalintay kaa dhacdoo dhinac ilaah joogto,
  • dhaqaa lahaad lahayd oo dhanbaan dhibic ku raacayne,
  • deyntuna su’aal iyo dhibey leedahaye hala ogaado.

.

W/Q Cumar Farax

Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment