3753 Views

DAAWO: Puntland oo heshiis dhisme daked cusub la saxiixatay shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta

DAAWO: Puntland oo heshiis dhisme daked cusub la saxiixatay shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta
____________________________________________________________________________

Anigu waan ka fikir duwanahay dadka aaminsan inaan maamul goboleed dhulkiisa horumarsan karin, waxaan taageersanahay in maamul waliba dekad caalami ah dhisto anigoo og inaysan dekad caalami ahi hanti shaqsi ku dhismi karin hadii ay suuragal u noqon kartana uu maamul goboleed waliba heshiis la galo shirkad shisheeye ee qandaraas dhisme ku qaadan karta hirgelinta mashaariicdaas.

Taas waxaan u leeyahay wadanku ma laha dowlad xoogan oo heshiis lagu wada yahay, awood aaminaad oo ay dayn ama heshiis noocaas ah ku geli kartana lahayn maadaama aysan buuxin karin ama aysan sugi karin amaanka mashaariicdaas islanarkaana uu wadanku lahayn siyaasad degan.

Waxaan taageersanahay in maamul goboleedyadu sixiixdaan heshiisyada macmalka ah ee shirkadaha is biimeeya ay hirgelin karaan, taasoo faa’iido u leh dadyowga Soomaaliyeed ee degaamadaas ku nool marka ugu danbaysana noqon doonta hanti dadka Soomaaliyeed u harta.

Soomaalidu kuma noola Muqdisho keliya iyadoo aan ognahay in awooda maalgelintu gasho badankeeda magaalada Muqdisho, dadyowga Soomaaliyeed ee degaannadaas deganina ay leeyihiin xuquuq la mid ah tan dadka Muqdisho ku nool oo ka sadbursada kaalmada dadka Soomaaliyeed loogu talagalay, taasoo keeni doonta in dadka Soomaaliyeed degaannadoodu shaqo ka abuuranto dhulalkoodana aaminaan, halka loo soo wada hantaagayo magaalada Muqdisho oo noqotay degaanka kaliya ee shaqo ka abuuranto taasoo ay sababtay mashaariicda qaran ee ka socota Muqdisho, hadaba waxaan ku dhiiri gelinayaa in Maamullada harsan sida Koonfur Galbeed, Hirshabeelle & Galmudug ay ku daydaan Somaliand & Puntland dhulkoodana horumariyaan.

By. Mustafa Salad Awale

Daawo habkuu u dhacay heshiisku

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment