2547 Views

NUSOJ oo canbaareysay xarriga lagu riday wariye Coldoon

____________________________________________________________________________

Muqdisho-Sabti April 8, 2017 – Ururka qaranka suxufiyiinta soomaaliyeed NUSOJ waxaa uu si kulul u canbaaraynayaa xukunka labada sano ah ee maxkamada Hargaysa ay ku riday wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu ku xadgubday qarannimada Soomaaliland .

Ururka waxaa uu ka horjeedaa xukunkaas dhanka ka ah xoriyadda hadalka iyo dhaqdhaqaaqa muwaadinka, waxaana xukuumadda Soomaaliland ugu baaqayaa inay ka shaqayso dhowridda xoriyadda hadalka, xeerarka iyo qawaaniinta caalamigana dhowrto.

Danbi maaha in wariyuhu in uu Muqdisho u yimaado doorashada Soomaaliya ,waana mid la mid ah howsha ay qabtaan wariyayaasha caadiga ah.

Dhamaan qodobada uu cuskaday xaakimka xukunka ku riday wariye Coldoon maaha kuwa la jaanqaadaya dhamaan shuruucada caalamiga ah iyo waana kuwo la doonayo in lagu cabsi galiyo warbaahinta madaxa bannaan eek a howlgasha Soomaaliland .

Xarriga C/maalik Muse Coldoon waxa uu mar kale ka dhigan yahay jug kale oo soo gaartay oo warbaahinta Soomaaliyeed ,waan u dagaalami doonnaa sidii uu xorriyadiisa dib mar kale ugu kale lahaa wariye Coldoon ,waxaa siaa yiri Xoghayaha Guud ee ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Waxa aan murugada la wadaageynaa Wariye Coldoon iyo qoyskiisa welwelka uu ku keenay xukunkan aan loo meel dayin .
Mar kale waxaan dawladda ugu baaqaynaa inay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon xabsiga ka sii dayso, xorriyadiisana uu helo.

.

.

.

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment