3477 Views

Roobab Lagu Diirsaday oo Da’ay.

____________________________________________________________________________

 

April 8/ 2017

 

Warar Hordhaca oo aanu ka helnay meelo kala duwan, ayaa sheegaya in ay robab lagu qabowsaday ka de’een meelo ka mid ah dalka, waxaana la rajaynayaa in robabkaasi ay ka di’i doonaan meelo badan, sida ay saadaaliyeen shaqsiyaad ku xeerdheer saadaasha hawada, mana aha dad soo bartay cilmiga saadaasha hawada ee waa dad si dabiica ah u bartay saadaasha hawada, kuna soo jiray waqti aad u dheer.

maalmahan waxaa jiray Kuleelo ba’an oo ka jiray magaalooyinka qaar oo ay ka mid tahay Muqdisho, waxaana inta badan habeenadii ay dadku sexaadaan banaanada guryaha, waxaadna arkaysaa Caruur aad u yar yar oo banaanada lala fadhiyo, si ay u helaan qabowga hawada habeenkii.

waxaa la maqlayaa Cabashada dadka iyo Alla bariga ay sameynayaan, waxaana aad loo dareeyaa in shacabku aad u taabtay kuleelka hawada iyo JILAALKA daba dheeraaday.

hadaba, Nimcada Rabbi waa soo dhowdahay ee aan badino Alla bariga iyo Naxariista dhexdeena ah, anna noqono umad isku kalsoon ee yaan gar gaar laga sugin Gacan shisheeye ee halagu dadaalo sidii aan ku kordhin lahayn wax soo saarkeena, BEERAHA, XOOLAHA iyo BADA.

wixii warar xaqiiq ah ee ku soo kordha robabkan bilowga ah, dib ayaan ka soo sheegi doonaa insha’allah.

Allow ugargaar umadaada,  Adigaa Gacanweyne, Allow nooga gargaar Gacanshisheeye iyo Gar gaarka beentaa !!!.

Qaranimo-online

Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment