3336 Views

Madaxweene ku xigeenka Puntland oo lacag ku wareejisay hay’adda PSAWEN

Madaxweene ku xigeenka Puntland oo lacag ku wareejisay hay’adda PSAWEN
____________________________________________________________________________

April 09 (QOL)—Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta ku wareejiyey lacag dhan $100,000 oo dollar hay’adda biyaha, Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland (PSAWEN), taas oo loogu tala galay in lagaga qayb qaato gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyeen ee ku teedsan degaanada Puntland.

Munaasabada uu Madaxweyne ku xigeenku ku wareejinayey lacagtan ayaa waxaa ku wehelinayey Masuuliyiin ka tisan Madaxtooyada Puntland iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa shegay in ay lacagtani ahayd $150,000 oo dollar taas oo Puntland kasoo gaadhey guddiga gurmadka Abaraaha dawladda Fadaraalka Soomaaliya, isla markaana ay guddiga Abaaraha Puntland $50,000 oo dollar oo kamida lacagtaasi ay hore ugu wareejiyeen  guddiga abaaraha gobolka Mudug, $100.000 soo hadhayna uu maanta ku wareejiyey hay’adda biyaha, tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee dawladda puntland ( PSAWEN)

Ku simaha Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in lacagta ay ku wareejiyeen guddiga gurmadka abaaraha gobolka mudug ay ku amreen in lasiiyo raashin oo keliya, si loogu gargaaro ummadda Soomaliyeed ee ku soo hayaantay degaanada gobolkaasi, halka $100,000 uu maanta ku wareejiyey hay’adda PSAWEN lagu soo iibin doono Lix booyadood oo  wax weyn ka tarri doona gurmadka loo fidinaayo dadka abaartu waxyeelaysay.

Sidoo kale ku simaha Madaxweynaha ayaa sheegay in ay cid walba oo lacag ama gargaar loogu dhiibo dadka abaaruhu sameeyeen ay kula xisaab tami doonaan, si ay ummaada Soomaliyeed u aragta uguna cadaato shaqo walba oo looqabanaayo shacabka abaartu waxyeelaysay.

Dhinaca kale ku simaha Madaxweynaha ayaa waxa uu cadeeyey in ay Puntland ku sugan yihiin kuna soo hayaameen shacab Soomaaliyeed oo ka kala yimi Waqooyiga, Koonfurta iyo Galbeedka Soomaliya iyo sidoo kale Soomalida Dawladd Degaanka Itoobiya, isla markaana loobahan yahay in il gaara lagu eego dadkaasi sidii loola tacaalilahaa xaladooda mid caafimaad iyo mid dhuuni-ba

Ugu danbayn,Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Eng, Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa umahad naqay guddiga Abaaraha DFS iyo cid walba oo ka qayb qaadatay gacana ka gaysatay gurmadka lagu caawinaaya dadka abaaruhu saameeyeen

6

5

4

00

2

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment