2553 Views

DHAYSO:-Munaasabad Billad Sharaf Lagu Gudoonsiinayay Gudoomiye Jaweri Oo Muqdisho Kadhacaday

DHAYSO:-Munaasabad Billad Sharaf  Lagu Gudoonsiinayay Gudoomiye Jaweri Oo Muqdisho Kadhacaday
____________________________________________________________________________

April 09 (QOL)—Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Gen. Kaahiye maanta waxaa ka dhacday Munaasabad Billad sharafeed lagu gudoonsiinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre, Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowlada iyo marti sharaf kale.

Billadan la gudoonsiiyay Guddoomiye (Jawaari) ayaa waxa ay ka timid Dowladda Talyaaniga, waxaana Bildan Darajadeeda ay tahay “Commendator”.
Gudoomiyha Baarlamaanka Federaalka ayaa Billadan waxa uu ku muteystay shaqo wanaag, karti iyo xil gudasho, sida uu goobta ka sheegay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay sababta ay u bixinayaan Billad sharaftan in ay tahay in Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) uu ka shaqeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga sidii uu u soo laaban lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u mahadceliyay Dowladda Talyaaniga, isaga oo sheegay Guddoomiye (Jawaari) in uu mudan yahay abaalmarintan.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay Munaasabadan in ay leedahay Qadarin gaar ah oo Taariikhda Soomaaliya u soo deristay

HALKAN KA DHAGAYSO 

SAWIRQAADE BASHAR ABDI MOHMAD 

11

15

13

12

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment