4668 Views

Madaxweyne Farmajo oo laga soo sheegayo JilJileec Xaga Go’an Gaarida ah.

Madaxweyne Farmajo oo laga soo sheegayo JilJileec Xaga Go’an Gaarida ah.
____________________________________________________________________________

April 9, 2017

 

Madaxweyne Farmajo oo laga soo sheegayo JilJileec Xaga Go’an Gaarida ah.

 

Warar aanu ka helnay ilo muhiim ah, ayaa waxa ay sheegayaan in Madax wayne Maxamed Farmajo laga soo sheegayo jil jileec xaga Go’aan Qaadashada ah, marka laga hadlayo Arimaha XASAASIGA  ah, taasina waxay dhib ku noqondoontaa wax qabadka laga sugayo dowladiisa, si loo dar dar geliyo hanaanka iyo habsami u socodka howlaha horyaal dowlada.

Hadaba Master Farmaajo waa in uu fahmaa Xaaladaha uu ku shaqeynayo iyo dhimaatooyinka Horyaal ee isugu jira kuwa muuqda iyo kuwo aan muuqan, iyadoo ay habeen iyo maalin ay dadaal ugu jiraan Shaqsiyaad Somaali ah iyo Dowlado shisheeye oo rabba in ay Fashiliyaan wax qabadkiisa, si uu san u Gaarin Goolka Guusha iyo soo celinta Nabada.

Si kastaba Mudane, Farmaajo waa in uu wax qabadkiisa u kala qeybiyaa Mustaqbalka dhow iyo mustaqbalka dheer, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo Mustaqbalka dhow, si loo dar dar geliyo wax ka qabashada Baahiyaha Xasaasiga ah ee taagan, una baahan in la siiyo mudnaanta koowaad, si shacabku u dareemo in uu jiro isbedel cusub oo ku howlan wax ka qabashada Baahidooda.

Somaalidu waxay tiraahdaa, “majirto Madaxa meel ka sareyso ee la salaaxo”, Madaxweynaha waa masuulka ugu sareeya dowlada, (Commander of Chief)  waxaana loo bahan yahay in uu mar walba ogaado Go’aamadiisu in ay yihiin kuwa keeni kara GUUL iyo GUUL DARO, waxaana waa jib ah in uu dusha u rito ama uu ku kalsoonaado Amarada uu bixinayo wixii Wanaag ama Dhaliil ah ee ka yimaada, waayo mar walba Guusha waa lafishaa ee lama hubo in aad heleyso waqtigaas, Guusha iyo Guuldarada waa laba shay oo mar walba is garab socda, laakiin Musuulka waa in uu Sharxi karaa ama ka Qancinkaraa Shacabkiisa wixii Guuldaro ah ee ka dhasha Amarada uu bixiyo.

 

War iyo dhamaan horaa loo yiri “amaan lama dhudhumiyo” waxaa loo bahan yahay in lala yimaado wax qabad dhab ah, si loo soo celiyo Kalsoonidii Shacabka, waayo shacabka waxay aad ugu haminayaan in ay helaan Nabad iyo Xasilooni maadaama ay ku raagtay dhibaatada ay abuureen dagaaladii sokeeye.

Waxa ugu horeeyo ee la sugayo in si deg deg ah wax looga qabto, waxaa ka mid ah, sida  Amaanka, Cadaalada iyo Musuq Maasuqa, iyadoo ay qeyb ka yihiin dhibaatooyinkan shaqsiyaad ku shaqeysta magaca dowlada, waxayna hal qabsi ka dhigteen “meel hoo u bahan, hadal waxba uma taro”.

Ugu dambeyn, horaa loo yiri “nin maqani tabidiis, waa nin jooga ceybtiis”  waxaa loo bahan yahay in Go’aamada lagu saleeyo awooda aad heysato, iyadoo mar walba loo bahan yahay in la adeegsado Aqoonta iyo waaya aragnimda laga dhaxlay Guulihii la soo maray iyo Guuldaradii la soo maray iyo Xaaladaha taagan waqtigaas ee u bahan in si deg deg ah looga qabto.

Mudane, midna ogow, waqtiga waa socdaa, waa gii baryana Shidadiisa iyo Sha’nigiisuu wataa, ee mar walba ku dhiiranow Go’aamadaada si aan loo fashilin wax qabadka dowlada iyo kalsoonida Shacabka.

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment