5136 Views

Ciidamada Taraafikada oo lagu Hayo Handadaad iyo Aflagaado Xad Dhaaf Ah.

Ciidamada Taraafikada oo lagu Hayo Handadaad iyo Aflagaado Xad Dhaaf Ah.
____________________________________________________________________________

Waxaan maqli jiray “miskiinaa  maja la koro leh”……………….

Muqdisho | QOL | April 10, 2017 – Waa abaarahii 12:58 daqiiqo ee duhurnimo ama (pm), waa isgoyska Dabka, Qoraxdu aad ayey u kulushahay, isgoyska waa Zaxmad ama (jam), waxaa tagaan sedex nin oo la bisan Labiska Ciidamada Nabadgelyada wadooyinka, waxaa ka muuqata Daal iyo Daruuf adag, waxaa intaas u dheer Waayeel nimo iyo daal ba’an, waayo waxay kala hagaayaan Gaadiidka maraya wadada, waxay isku dayayaan in ay marba dhinac jojiyaan Gaadiidka, si dhinaca kale u socdo, waxaa mixno iyo mucjiso ku noqday Darawaliinta BAJAAJYADA iyo BII’ILKA oo aan marna u hogaansamin Amarkooda, mar walbana waxay Xanaaq iyo muran kula jiraan kuwa wada Bajaajyada iyo Bii’ilka, waxaa sii kordhaya jaha wareerka ay ku jiraan daqiiqad kasta, majirto Awood ay ku kontorolaan Jawiga Murugsan ee Zaxmada.

Waxaan maqli jiray “adoo hoyan la’a, halaguu soo hergalo”, waxaa si QALDAN jidka u soo Galay gaariga loo yaqaan QOOQANTA waxaa dusha ka saaran Afar nin oo qorya wadata, muraayadaha waa madowyihiin lama yaqaan Gudaha gaariga Cida ku jirta, lakiin waan arkaa darawalka muraayadaa u degsan,  waxay sii Xireen Jidkii oo waxay sii kordhiyeen Zaxmadii, Askartii Tarafiakada nin ka mid ah ayaa ku yiri “Aderow hadaan dhibanahay ee dhibkale miyaad noo kordhinaysaan, Gadaal u noqda oo jidka fura”  muxuu ku jawaabay  MOORYAANKA Dulsaaran qoqanta “Hoyaadaa ayaa gadaal u noqoneyso ee ka horwareeg Gaariga” !!! horaa looyiri ”Nin Aduunya joogoy, Maxaa aragti kuu laaban” Taasina waxay ku tusaysaa Xadgudubka lagu hayo Ciidanka wadooyinka, ninkii Tarafiga ahaa ma u jawaabin,  lakiin waxaa u jawabay oo ku  buuqay Shacabkii taagnaa wadada hareerteeda, Alla Sharciga iyo Cadaalada meeshey jiraan dheeraa!!!,  aan is waydiinee Maxay tahay abaalmarinta Moryaankaas? Ka jawaab Aqristow.

Hadaba waxaa is waydiin mudan Askarigaas tagan Qoraxda ee daalan ee u Shaqeynaya Shacabkiisa, Muxuu ku muteystay aflagaado iyo handadaad? Ma mudan yahay gafkaas?, Maqabataa in wiilyar oo loo yaqaan “maliibanaha lagu liibanay” in uu Aflagaado iyo Handadaad ugeysto Askarigaas, oo ay suuro gal tahay in uu Gudaha gaariga ku jiro Shaqsiga la waardiyeynayo, Raalina uu ka yahay in la Aflagaadeeyo ama lagu Handado Hortiisa Shaqsi Gashan SHAARKII QARANKA oo jidka u taagan in uu guto waa jibaadkiisa qaran.

War iyo dhamaan waxaan Fariin Culus u dirayaa Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliyaha Qeybta ilaalada wadooyinka in ay si deg deg ah wax uga QABTAAN Xadgudubka lagu hayo Ciidanka wadooyinka, iyadoo la isticmaalayo Sharciga ilaalinta wadooyinka, si loo sugo Amaanka Askariga taagan jidka ee gudanaya waa jibaadkiisa , Shacabka wata Gaadiika  iyo Shacabka ku lugaynaya  wadada hareerteeda.

Ugu dambeyn waa wajib SAARAN dowlada in la bad baadiyo Dhiiga, Sharafta iyo Xuquuqda muwaadinka, ama Dowlad ha u shaqeeyo ama Shacb ha ahaado, waana waa JIB in sharciga loo Hogaansamo Darajadaad doonto WADO ama Shacab ahow.

Waxaan dadweynaha kula talinayaa, hadii uu dhib ugeysto shaqsi wata QOOQAN ama CABDI BILE Qorya wata  waa  in ay mar walba Qoraan Targaha Gaariga dhibka geystay, si loo sahlo barista ama helitaanka dadkii dhibka geystay, waxaa kaloo iga talo ah in shacabka Aruuriyo wixii dhacdooyin ah ee ku yimaada Xadgudubka ay geystaan Shaqsiyaadka wata Qoryaha.

Waa ogahay in dad badan ay aminsanyihiin in aysan jirin Cid wax ka qabaneyso dhibkooda, waqtigaan, lakiin mid aan ogaano, hadii manta lagu duudsiiyo Xaqaaqa, waxaa la gaari doonaa Maalin aan la is Xaqiri Karin, waxaana xaqiiq ah in maalintaas Sharciga la horgeeni doono Shaqsi kasta ee si Qaldan u isticmaalay  awooda uu leeyahay. Midna aan ogaano Qoraalka waa marqaatiga ugu muhiimsan ee maalinta aan u bahanahay in naloo soo dhiciyo Xaqeena anagoo u Magana ama u martiya Sharciga iyo Cadaalada.

Waxaana  xaqiiq, hadii aan si deg deg wax looga qaban Arimahan, in Sharciga iyo kala dambeynta gacanta ka bixidoonaan, lana gaari doono waqti kala guur ah, hadii aan runta loo sheegin, Shaqsiyaadka sheeganaya Awooda ee ku xad gubaya Sharciga iyo Sharafta muwaadinka Somaaliyeed.

Walee waa aduun “gadaal looraray, meel ninkii sharciga toosin lahaa, uu isaga jabinayo”

 

.

 W/Q Cumar Farax

Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment