3222 Views

DAAWO SAWIRADA:-Inkabadan 30 Ruux Oo Ku Geeriyootay Qarax Kadhacay Kaniisat Ku Taal Dalka Masar

DAAWO SAWIRADA:-Inkabadan 30 Ruux Oo Ku Geeriyootay Qarax Kadhacay Kaniisat Ku Taal Dalka Masar
____________________________________________________________________________

April 10 (QOL)—Qaraxa hore ayaa ka dhacay kaniisad ku taal magaalada Tanta oo 94km waqooyi kaga beegan Caasimada Qaahira, waxaana ku dhintay illaa 25 ruux.

Sidoo kale qaraxa labaad ayaa ka dhacay banaanka kaniisad ku taal magaalada Alexandaria, halkaasoo iyana 11 ruux ay ku dhinteen.

Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay gudaha Kaniisad, xilli dadka kirishtaanka ah ee laga tirada badan yahay ay cibaadeysanayeen maanta oo Axad ah.

Qaraxyadan ayaa waxaa ku dhaawacmay illaa 40 ruux, waxaana mas’uuliyada weerarkan sheegatay kooxda isku magacawday dowladda Islaamiga ama Daacish

Wadaadka baadariga Pope Francis oo lagu wado in dhowaan uu booqdo dalka Masar ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradan.

 

1

2

3

4

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment