4146 Views

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska oo maanta xilka lagu waeerjiyay

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska oo maanta xilka lagu waeerjiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 10, 2017 – Taliyaha cusub ee Ciidamada xoogga dalka Jen. C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa manata xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Munaasabad xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska.

Taliyihii hore Jen, Xaamud ayaa ka warbixiyay waxyaabihii uu soo qabsoomay, waxaana uu mahad celiyay Ciidamada Booliska iyo Saraakiisha sida wanaagsan ee ay ula soo shaqeeyeen.

Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Jen. C/xakiin Saacid oo horay xilkan u soo qabtay ayaa balan qaaday in halkeeda ka sii wado horumarinta ciidamada booliska iyo sidii amniga loo sugi lahaa, iyadoo horay xilkan u soo qabtay, oo looga qaaday xil gudasho la’aan.

Ugu dambeyn wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa kula dar daarmay Taliyaha cusub, inuu ka soo dhalaalo waajibaadka loo igmaday.

2

3

 

 

.

.

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment