2460 Views

Eng. Yarisow “Turkiga waa wallaal si kal iyo laab ah u taageera Somalia”

Eng. Yarisow “Turkiga waa wallaal si kal iyo laab ah u taageera Somalia”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10 April 2017 – Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Turkiga u fadhiya Somalia H.E. Olgan Baker oo ay ka wada hadleen horumrinta warbaahinta dalka iyo sidii Wasaarada looga saacidi lahaa fulinta qorshaheeda sida hirgelinta Wacyigelinta Bulshada.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa marka hore uga mahadceliyey Safiirka doorka ay Turkiga ka cayaarto Soomaaliya oo uu sheegay in wadamada kale looga baahanyahay inay ku daydaan oo ay si toos ah Dowladda Federaalka iyo shacabka ay u soo gaarsiiyaan taageeradooda. Eng. Yarisow ayaa yiri “Turkiga waa wallaal si kal iyo laab ah u taageera Somalia.”

Kulanka maanta uu Wasiirka Warfaafinta la qaatay Safiirka Turkiga ayaa ah dadaalo uu beryahan waday Wasiirka oo uu ku xoojinayo xiriirka dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya si taageero loogu helo qorsheyaasha wasaarada warfaafinta oo uu Wasiirku damacsanyahay inuu dib u habeyn weyn ku sameeyo Wasaarada iyo howlaheeda si loo hirgeliyo maamul wanaag kalsooni gelin kara shacabka Soomaaliyeed.

.

.

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment