2772 Views

Shariif Xasan Shiiq Aadan oo sheegay in Al-Shabaab ay diidan yihiin in la garagaaro dadka abaaru ay saameeyeen

Shariif Xasan Shiiq Aadan oo sheegay in Al-Shabaab ay diidan yihiin in la garagaaro dadka abaaru ay saameeyeen
____________________________________________________________________________

Baydhabo | QOL | April 10, 2017 –Shariif Xasan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay diidan yihiin dadka in loo gurmado, taasna ay keentay in dadka ay ka soo dareeraan deegaanada.

“Al-Shabaab ayaa diidan dadka in la gar gaaro, waa mushkilada hor-taagan in dadka abaarta u dhimanaya in gargaar la gaarsiiyo”ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in maamulkiisa uu muhiimad gaar ah siinayo sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay ku sugan yihiin, si waddooyinka loo furo.

Shariif Xasan ayaa sheegay in horay ay jiri jireen abaar, balse tan oo kale aysan dhicin, maadaama dadka deegaanadooda lagu gaarsiin la’yahay wax gar gaar ah.

Al-Shabaab ayaa horay uga mamnuucay deegaanada ay ka taliyaan inay ka howl galaan hey’adaha sama falka, taas ayaana sabab u ah inuu hakad galo gurmadka loo fidinayo dadka abaaraha ay saameeyeen.

Boqolaal ruux ayaa ka soo barakacay deegaanada ay abaarta ku dhufatay ee ay ku sugan yihiin Shabaab, iyagoo la dejiyay xeryo ku taala duleedka Muqdisho.

.

.

.

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment