3081 Views

Taliyhii hore ee hay’ad Nabsugida Soomaaliya oo beeniyay hadal dhawaan laga faafiye

Taliyhii hore ee hay’ad Nabsugida Soomaaliya oo beeniyay hadal dhawaan laga faafiye
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 10, 2017 – Taliyihii hore ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa beeniyay warqad been abuur ah oo la soo dhigay baraha bulshada oo lagu sheegayo in loo magacaabay Taliyaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha.

Jen. Gaafow ayaa sheegay inuu garanayo kooxaha ka dambeeya been abuurka intaa la eg, isagoo tilmaamay inay ku sugan yihiin Hoteelada iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in la been abuuro saxiixa Ra’iisul Wasaaraha, isagoo dalbaday in tallaab laga qaado kooxaha arrintan ka dambeeyay.

“Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay, Hoteelada iyo Xarunta Madaxtooyada ayay ku sugan yihiin, waana fool xumo in dadka farsameeyay Saxiixa Ra’isul Wasaaraha in iyagoo la yaqaano ay ku dhex sugan yihiin Madaxtooyada iyo Hoteelada ku yaala Magaalada Muqdisho”ayuu si kulul u yiri Jen. Gaafow.

Ugu dambeyn Jen. Gaafow ayaa ku baaqay in la ilaalayo nidaamka iyo dowladnimada, taasoo uu xusay in halgan dheer loo soo maray, si halka maanta la joogo loo soo gaarsiiyo.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI | Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment