3228 Views

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle oo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda kaluumeysiga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle oo magacaabay wasiiru dowlaha wasaaradda kaluumeysiga
____________________________________________________________________________

Jowhar | April 11, 2017 – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble Ayaa u Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wareegto Madaxweyne

Ujeedo:-Magcaabis Wasiiru Dowle

Kaddib Markuu arkay qodobka 51-aad farqadda 5-aad ee Dastuurka KMG ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Kaddib Markaan arkay baahida loo qabo in lagu kordhiyo Wasiiru Dowle Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Waxaan u magacaabay Maanta oo ay taariikhdu tahay 11.April 2017, Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Ee Dowladda Hirshabeelle.

Wasiiru Dowlaha waxa uu u xilsaaranyahay Waajibaadka ku cad Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Sharcigani Wuxuu dhaqan galayaa Marka uu saxiixo Madaxweynaha.

wareegto-1

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment