8994 Views

Muuqaalka Muqdisho iyo Shacabka ku Nool oo Aad u Soo Kordhaya.

Muuqaalka Muqdisho iyo Shacabka ku Nool oo Aad u Soo Kordhaya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 11, 2017 – Waxaa si xowli ah u soo kordhaya Shacabka ku nool Magaalada, Muqdisho, waxaana daliil u ah dhowr sababood oo lagu yaqaan kororka Bulshada iyo Mashqulka Magaalada,  waxaana ka mid ah Arimahan soo socda.

  • Guryaha la ijaarto oo aad cariiri u ah iyo Qiimaha ijaarka oo sii kordha bilkasta.
  • Waqtiyada laga soo boxo Shaqada, iskuulada iyo Ganacsiyada oo ay Cariiriyihiin Gaadiidka Bi’elka ama Gaadiidka dadweynaha.
  • Xafadaha qaarna maba lahelo Gaadiidka Bi’elka, taasina Shacabka waxay ku qasabtaa in ay laba laba qof ama sedex sedex qof u KIREYSTAAN Gaadiidka loo yaqaan Bajaajka.
  • Waxaa aad Zaxmad ama Jam u noqda, wadooyinka Halbowlaha ah, ilaa 8-da habeenkii, laakiin waxaa si xowli ah u shaqeeya Gaadiidka looyaqaan Bajaajka oo runtii aad loogu nastay.
  • Waxaa Zaxmad aad u badan laga dareemayaa Baararka lagu Qaxweeyo ama loo yaqaan Fadhi ku dirirka, iyadoo dadka laga dareemayo FARXAD, degenaan iyo Labis Qurxoon, Qof walba karaankiis, inkastoo dadkaasi ay u badan yihiin Dhalinyaro.
  • Waxaa kaloo Zaxmad laga dareemayaa Dukaamanka laga adeegto ee  loo yaqaan (Super Marketyada), inkastoo  ay aad u yaryihiin kuwa Casriga ah ee laga heli karo Alaab TAYO leh.
  • Waxaa kaloo si Xowli ah u soo kordhaya, Gaadiidka RAAXADA oo aad u mashquuliyey wadooyinka, iyadoo ay ISHAADU qabaneyso DUMAR Gacantooda ku wata Gawaaridooda raaxada, iyagoo ay ka muuqato Farxad iyo Xasilooni.
  • Waxaa kaloo aad u soo kordhaya Guurka Magaalada Muqdisho, waxaad arkeysaa Gaadiidka lagu galbinayo Aroosyada oo usocda Raxan Raxan habeenadii, iyadoo aad loogu Qurxiyo UBAXYO kala nooca Gaariga ay ku jiraan CARUUSKA iyo CARUUSADA.
  • Waxaa kaloo Zaxmad laga dareemayaa Dukaamanka lagu iibiyo Qalabka Guryaha, iyadoo aad arkeysid lamaane wada socda oo mararka Qaar ku Murmaya Doorashada Kalarka Alaabta iyo Qiimaha Alaabta labadaba, dadkaasi oo u badan Dhalinyaro ah Jiilka Cusub, sikastaba ugu dambeyn  waxay ka baxaan Dukaanka, iyagoo FARAXSAN ama aad ka dareemeyso  farxad wajiyadooda  la maanayaasha.
  • Walee, horaa looyiri haadba haad kici, Hilmaanina hadal kuma jirto, waxaa kaloo aad u soo kordhaya Dukaamanka lagu sameeyo MACMACAANKA  kala duwan ee loo isticmaalo Aroosyada, Xafladaha iyo Farxadaha gaarka ah, inkastoo dukaamanka Qaar ay dadweynaha ka Cabanayaan TAYADA  Mac macaanka ay sameeyaan oo llidato, taasina waxay Daliil u tahay  in san jirin (Ha’ad ilaalisa Tayada Raashinka, “Quality Control”

muqdisho-1

War iyo dhamaan, waxaan aminsanahay nolosha Muqdisho in ay ka sii wanaag sanaan karto Heerka ay manta joogo, kororka Shacabkana uu noqon karo  laba jibaar, hadii loo dhameystiro, wax yaabaha ka dhiman ama ka maqan  Horumaka  Magaalada, si loo Qurxiyo Bilicda magaalada iyo Dalxiis keeda, waxaana ugu horeeya “Amniga oo la sugo iyo Dayactirka Jidadka oo la dhameystiro”

Ugu dambeyn, waxaan mar walba isweydiiyaa Muqdisho sidii ay ahaan jirtay iyo sida ay manta tahay, waxaana filayaa in ay jiraan dad badan oo is weydiinaya  Su’ashan?, si kastaba waxay ila tahay Jawaabta in ay noqon karto Qofwalba aqoonta uu u leeyahay Muqdisho,  sida ay ahaanjirtay iyo sida ay maanta tahay!!!.

Waxaan soo Xasuustay, Qiso cajiib ah oo aan ka maqlay Xadlan aan joogay, waxaa la yiri waxaa muqdisho timid Qof dumar ah oo ka maqneyd mudo aad u dheer, maalin ay soo martay HOTEL CURABA, waxay aragtay burburka Hotelka, waxay aad u fiirisaba, waxay aqbali waysay bur burka ka muuqda Hotelka, waxayna  Su’al waydiisay wiilal yar yar oo Kubad ku dheelaya  Meel u dhow Hotelka, waxayna wayddisay Su’ashan, Habar yar Away Hotel Curuba?, Waxaa lagu yiri waa Meeshan, iyadoo farta loogu fiiqayo, waxay tiri “macquul ma aha, saan ma ahayn”,  waxaa loogu jawaabay, “Habar yar Anaga markaan aragnay Saan ayuu ahaa”!!!.

Nin odaya,  ayaa igu yiri, waxaan soo gaaray “xili ay Muqdisho aheyd, Magaalada ugu Amniga Fiican Afrika”,  si kastaba  marka dib loo fiiriyo xaladaha ay soo martay Muqdisho, Maanta  waxay la mid tahay iyadoo markale ugu Amaan fiican Afrika!!!

muqdisho-3

Baa qeenu waa  ereyadii  abwaan yiri  “dadaalay Nabadu waa macaane, dadaalay Horumar lagama daalee, dadaalay danteenu yey hamsaamin dadaalay”

 

.

.

W/Q  Cumar Farax

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment