2481 Views

Ciidamad Ladagaalanka Burcadbadeedka ee NATO Oo Mudo Kordhin Loosameeyay

Ciidamad Ladagaalanka Burcadbadeedka ee NATO Oo  Mudo Kordhin Loosameeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 12, 2017 –Ciidamada la dagaalanka Burcadbadeeda ee joogga Xeebaha Soomaaliya ee lagu magacaabo NATO ayaa waxaa loo sameeyay Waqti kordhin si ay ula dagaalamaan Kooxaha Burcadbadeeda.

War qoraal ah oo kasoo baxay howlgalka NATO ayaa lagu sheegay in ilaa iyo 2018 dhamaadkii keeda ay joogayaan Xeebaha Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa waxaa lagu dari doonaa Ciidamo dheeraad ah iyo sidoo kale Maraakiib dagaal si ay ula dagalamaan Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.
Sidoo kale warka kasoo baxay NATO ayaa lagu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in ay dib u soo laabteen Afduubyada Kooxaha Burcadbadeeda ay ka geysanayaan Xeebaha Soomaaliya.

Dalal badan ayaa Maraakiib dagaal u soo diray Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa soo laabtay bilihii lasoo dhaafay waxaana hadda gacantooda ku jira doomo Ganacsi.

Sanadkaan Gudihiisa ayaa waxa ay geysteen Afduubyo kala duwan waxaana ka mid ah Afduubkii ay ugu geysteen Markabkii ARIS 13 ee degmada Calluula ee gobolka Bari.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment