6600 Views

DAAWO SAWIRADA :-Dowladda Puntland oo xarun gabdhaha wax lagu Baro ka Hirgalisay Degmada Bursaalax

DAAWO SAWIRADA :-Dowladda Puntland oo xarun gabdhaha wax lagu Baro ka Hirgalisay Degmada Bursaalax
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 12, 2017 –Mashruucaan oo ah kobcinta waxbarashada gabdhaha Islamarkaana ay wasaaradda la wado Hay,adda Care International munaasabad loo qabtay waxaa ka qeyb galay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Dowlada Puntland Dr Abshir Yuusuf Awciise,Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Madaxda ugu sareysa Hay,adda Care International.

Cali Godone oo ah madaxa xafiiska Hay,adda CARE ee Puntland ayaa ku tilmamay talaabadan inay tahay mid mro dhal u ah faaidada waxbarashadu u leedahay deegaanka iyo mujtamaca, wuxuuna sheegay in hirgalinta barnaamijkaan kor u qaadeyso horumarka Islamarkaana ay nasiib u heleen dadweynaha magaalada Buursaalax.

Madaxa Hay,adda Care International ee Soomaaliya Rahiim Ashfar oo kazoo jeeda dalka Pakistan oo isna la hadlay shacabka reer Buursaalax ayaa yiri “ Waxay ii tahay maalin xusuus badan oo ay caruurteyda oo kale halkaan wax ka baranayaan”wuxuuna ka digay in la dayaco hantida Islamarkaana fursadaan looga faa,iideeyo gabdhaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Abdulqadir Cismaan ayaa ku amaanay mashruucaan Hay,adda Care iyo Dowlada Ingiriiska oo uu sheegay inay ku bixinayaan lacag gaareysa boqol iyo soddon milyan oo dollar, oo loogu talagalay in wax lagu baro tobanaan kun oo gabdho waddamada adduunka ugu saboolsan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Dowlada Puntland Prof Abshir Yuusuf Awciise oo xariga ka jaray xarunta gabdhaha ee magalada Buur- Saalax ayaa ka hadlay doorka waxbarashada ku leeyihiin haweenku iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka waalidka iyo Ardeyda.

Wasiir Abshir ayaa ku tilmaamay guusha ay gaareen shacabka magaalada Buur_saalax inay tahay mid iyagu ay samaysteen, Wuxuuna sheegay in horumar xawliya ku socoto magaalada Buursaalax.

Ugu danbayn ,Bulshada magaalada Bursaalax ayaa so dhaweeyay Mashuurcan.

p1

p2

p5

putl

p00

p6

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment