3702 Views

DAAWO SAWIRADA:- Maamulka G/SH/Hoose oo howlgal kasameeyay wadooyin dhoowr ah oo mara gobalkaas

DAAWO SAWIRADA:- Maamulka G/SH/Hoose oo howlgal kasameeyay wadooyin dhoowr ah oo mara gobalkaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 12, 2017 – Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax iyo Taliyaha guutada Lixaad ee ciidanka Xoogga dalka Korneyl Cali Calasow ayaa howlgal lagu baadi goobayo kooxo gaadiidka jidka u gala iyagoona hawlgalo ka sameeyay inta u dhexeyso Wanla weyn, Yaaq Biriweyne iyo deegaanka Leego ee gobolka sh/hoose.

Ciidmada ayaa ku guuleystay inay sii daayaan ilaa iyo 40 gaadiidka xamuulka qaada ah oo ku sii jeeday gobollada Baay, Bakoo iyo Gedo, kuwaasi oo ay jidka ku heysteen kooxo burcad ah oo doonayay inay lacago baad ah ka qaataan.

Taliyaha guutada Lixaad ee ciidanka Xoogga dalka Korneyl Cali Calasow ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid maalmahan socday, isla markaana ay ku baacsaneyeen kooxaha jidka u gala gaadiidka, isagoo intaa ku daray in ciidamada guutada lixaad ay yihin kuwa u taagan inay shacabka ka difaacaan cidkasta oo dhibaateyneysa.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay inaysan u dulqaadan donin in shacabka lagu dhibaateeyo waddooyinka dhex mara gobolka, waxaana uu wacad ku maray in tallaabo laga qaadi doono ciddi lagu hela falalka dhaca gaadiidka iyo dadweynaha isticmaala deegaannada Gobolka.

01

02

03

05

06

08

09

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment