4452 Views

DAAWO SAWIRADA:-Madaxweenaha Putlanad Oo Maanta Dib Ugu Soonoqday Magaalada Gaalkacayo

DAAWO SAWIRADA:-Madaxweenaha Putlanad Oo Maanta Dib Ugu Soonoqday Magaalada Gaalkacayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 12, 2017 –Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta 12 April 2017 Dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyey Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa magaalada Gaalkacayo gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Cabdulaahi Yuusuf Axmed ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacayo, Masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland, saraakiisha ciidamada dawladda Puntland, cuqaasha iyo waxgaradka Magaaladaasi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in safarkii isaga iyo weftigiisu ay ku tageen Dalka Imaaraadka Carabta uu ahaa mid guul weyn u soo hooyey Dawladda Puntland iyo shacabkeeda madaama uu saxeexa mashruuca balaadhinta iyo dib u casriyaynta  dekeda magaalada Boosaaso uu wax weyn ka bedelidoono guud ahaan kaabayaasha dhaqaalaha dawladda Puntland, isla markaana ay ka qayb qaadan doonto horumarka ay ku heegan yihiin Puntland iyo shacabkeedu.

‘’Waxa ay nootahay farxad weyn inaan maanta Dalka ku soo laabano gaar ahaan caasimada gobolka Mudug ee Gaalkacayo, waxaanu mudo todobaada ku maqnayn dalka isutaga Imaaraadka carabta iyo Itoobiya oo aanu iminka Soomarnay, muhiimada aanu ubaxnayna waxay ahayd saxiixii balaadhinta iyo dib u casriyaynta dekeda magaalada Boosaaso ee 6 April 2017 ka dhacay Magaalada Dubai ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta, runtii waa mashruuc wax weyn kusoo kordhinaya dalka gaar ahaan kor uqaadista kaaba yaasha dhaqaalaha dalka, ganacsiga,wax soosaarka iyo shaqo abuurista intaba’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Dhinnaca Kale, Madaxweeynaha ayaa uga mahad naqay  cidwalba oo ka shaqaysay nabadaynta iyo xasilinta maagaalada Gaalkacayo, waxaana uu ugu baaqay shacabka Gobolka Mudug inay gacmaha is qabsadaan isla markaana ay ka wada shaqeeyaan wax kasta oo ay ku jirto maslaxadoodu.

‘’ Farxad ayay nootahay inaan nimaadno gobolka oo nabada gaar ahaan Magaalada, intii shaqadaa qabatayna aad ayaan uga mahad naqayaa uguna bogaadinaya, uguna amaanayaa, waa intaas oo aad kala sii dhowaataan, magaaladani waxay u baahan tahay nabad iyo horumar, colaad iyo xiisadna waa ka soo daleen, cid xiise uqabtaana inay jirto u malayn maayo, waxaan labada dhinacba ugu baaqayaa in ay nabada ka fa’iidaystaan horumarka magaalada laga wada shaqeeyo, dadkaa walaalaha ahina ay ku wada nooladaan nabad gelyo iyo wadajir ayaan rajaynaynaa insha allahu’’

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu Illaahay uga baryey inuu ummadiisa ka dulqaado abaarta madar khayr qabana uu siiyo oo ay kaga raystaan abaarta daba dheeraatay ee ku habsatay mudada dheer

1

2

IMG_9834

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment