4158 Views

DAAWO SAWIRADA :-Taliyaha Ciidanka Asluubta oo kormeeray Qeybaha Xabsiga Dhexe uu ka kooban yahay

DAAWO SAWIRADA :-Taliyaha Ciidanka Asluubta oo kormeeray Qeybaha Xabsiga Dhexe uu ka kooban yahay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 12, 2017 –Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa maanta kormeeray Xabsiga Dhexe ee Xamar iyo Warshadda Farsamada Maxaabiista ee Xabsiga.

Taliyaha oo ay wehliyeen Taliye ku xiggeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cilmi Waasuge Colow iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta ayaa soo indha-indheeyey sida Warshadda Farsamada Tababarka Maxaabiista ee Xabsiga dhexe ee Xamar ay u shaqeyso, isagoo Taliyaha boggaadiyey Maxaabiista Warshadaasi ka shaqeysa, kulana dardaarmay in ay ka faa’iideystaan Fursadda qaaliga ah ee ay heystaan, sidoo kalana Gen Xuseen ayaa tagay Warshada Bulukeetiga soo saarta ee Xabsiga dhexe ee Xamar, xilligaasi oo Warshadda Shaqaalaheeda oo Maxaabiis ah ay ku hoolanaayeen soo saarka Bulukeeti Taliska laga soo dalbaday.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan, ayaa sidoo kale qeybaha Xabsiga dhexe uu ka kooban yahay soo maray, waxaana uu u sheegay Taliska Xabsiga dhexe in la dar dar galiyo Shaqada socota,oo halkii ay mareysay laga jaan qaado islamarkaana uu yimid isla xisaabtan dhab ah, dib u dhac yarna aan la oggolaan doonin.

7

 

9

10

1

3

6

4

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment