3918 Views

DAAWO SAWIRADA :-Xaflad lagu taageerayey Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda oo Koofur Afrika lagu qabtay.

DAAWO SAWIRADA :-Xaflad lagu taageerayey Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda oo Koofur Afrika lagu qabtay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 12, 2017 –Munaasabadaan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ay isugu jirtay duco iyo taageero loo muujinayay Wasiirka wasaarada maaliyada  Cabdiraxmaan Bayle Ducaale iyo waliba  wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Prof C/laahi Sheikh Cali(Qaloocow) ayaa waxaa lagu qabtay xaafada Soomaalida dagan tahay ee Mayfair Magaalada Johannesburg.

Waxgarad, aqoon yahano, odoyaasha dhaqanka,haween, dhalinyaro madax ka socotay xisbiga haaya talada dalka Koofur Afrika Ee ANC ayaa kasoo qeybgalay munaasabadaan lagu taageerayay Wasiirka wasaarada maaliyada  Cabdiraxmaan Bayle Ducaale iyo wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Prof Cabullaahi sheikh Cali (Qaloocoow)

Masuuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay goobta Xaflada ka dhaceysay kuwaa oo taageero u muujiyay wasiirada Cusub gaar ahaan wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada ayaga oo ugu duceeyay in xilka adag ee loo igmaday uu Alle u fududeeyo.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Prof C/laahi Sheekh Cali (Qaloocoow) oo qadka telfoonka uga qeybgalay xafladaan ayaa sheegay in dalka hada diyaar u yahay in qurba joogtiisa ay dib ugu soo laabtaan isla markaana ay maal gashi ku sameeystaan si looga baxo kaalmo shisheeye lagana wada shaqeeyo nabada iyo horumarka.

1

4

5

7

9

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment