2499 Views

In Kabadan 100 qof oo G/gado ugu geeriyootay cudurka shuban biyoodka

In Kabadan 100 qof oo G/gado ugu geeriyootay cudurka shuban biyoodka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 12, 2017 –Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka ay gudaha Gobolkaasi ugu geeryoodeen 102 Qof.

Waxa uu sheegay in laga maarmaan ay tahay in uu si joogto ah u shaqeeyo Isbitaalka Gobolka, si loo badbaadiyo dadka kale ee uu soo rito cudurkan.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay gar gaar la soo gaaraan dadka uu soo ritay cudurkan, ee la doonayo in la badbaadiyo.
Dhanka kale Maxamed Muxumed Maxamed Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa sheegay Maamulka Jubbaland iyo Hay’adaha caalamiga ah in uu u gudbin doono dhibaatada heysata dadkan.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment