2886 Views

DHAGAYSO :-Xuska Maalinta Ciidamad Xooga oo Muqdisho laga xusay maanta

DHAGAYSO :-Xuska Maalinta Ciidamad Xooga oo Muqdisho laga xusay maanta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 12, 2017 –Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalaba Sida Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta ka qayb galay Munaasabadda sanad guurada 57-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Xoogga Dalka.

Halkan ka dhagayso

Madaxweynaha, Ra’isal Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhiga ayaa soo xertay Maanta Tuutaha Ciidanka Xooga Dalka, taasi oo muujineysa ifafaalo hor leh.

Munaaabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka, Wasiiro, Xildhibaano, Qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka, Xubno ka socday Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ku sugan iyo Marti Sharaf kale.
Farmaajo oo Munaasabadan khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in muddo kooban ay Al-shabaab Dowladda uga saari doonto dhulka ay ka joogaan Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in Dowladiisa ay joogteyn doonto Mushaaraadka Ciidamada, si Ciidamada ay u helaan dhiiragelin, ayna isaga dhiciyaan Al-shabaab oo ay Dagaal kula jiraan.

Xooga Dalka Soomaaliya waxaa la aas aasay 12-kii April sanadku markuu ahaa 1960, waxa uuna ka kooban yahay ciidamada Lugta, Bada iyo welibo Cirka.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment