3330 Views

Imaaraadka Carabta Oo Ku Dhawaaqay Ololo Loogu gurmanayo Samata Bixinta Abaarah Soomaaliya

Imaaraadka Carabta Oo Ku Dhawaaqay Ololo Loogu gurmanayo Samata Bixinta Abaarah Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 12, 2017 –Imaaraadka Carabta Oo KU Dhawaaqay Olol Lagu gurmanayo Samata Bixinta Abaarah Soonaaliya

Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday barnaamij cusub oo gar-gaar bani’aadanimo lagu gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen.
Barnaamijkan cusub ayaa dowladda ay sheegtay in loogu magac daray (Li Ajligaada soomaaliyeey – لأجلك يا صومال For Your Sake SOMALIA), waxaana taakuleyntaasi iyo ololaha gar-gaar ka wada qeyb-qaadan doonna Dowladda Imaaraadka iyo shacabkeeda, ganacsatada Soomaalidda ee dalkaasi iyo hay’addaha gar-gaarka ka shaqeeya.

Dowladda Imaaraadka ayaa qorsheysay lacag gaareysa Boqol Milyan (100m) oo dirham, oo loogu talagalay dadka abaartu ku saameysay Soomaaliya.

Imaaradka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in laga wada qayb qaato gar-gaark loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen, si xaaladooda nololeed ay u soo kabato.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa xili Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridka arrimaha beni’adanimo UNOCHA uu sheegay in tirada dadka gar-gaarka u baahan ee ku sugan gudaha Soomaaliya in ay gaarayaan 6.2 milyan, taas oo ka dhigan kala bar dadka Soomaaliyeed.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment