3360 Views

Madaxweyne Farmaajo oo ballan qaaday iney Al-shabaab dalka kaga ciribtirayaan mudo 2 sano gudahood ah

Madaxweyne Farmaajo oo ballan qaaday iney Al-shabaab dalka kaga ciribtirayaan mudo 2 sano gudahood ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 12, 2017 –Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ballan qaaday in Al-shabaab guud ahaan dalka looga sifaynayo mudo 2 Sano gudaheed ah.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha dalka oo Maanta hadal ka jeedinayey Munsaabada Xuska 57-guuradii kasoo wareegtay Aas aaska Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxa uu balan qaaday in Ciidamadu ay si joogto ah u heli doonaan Mushaharkooda iyo dhammaan tasiilaadka ay u baahan yihiin si ay u hantaan Amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in hadii uu wanaagsanaado hogaanka Ciidanka in Ciidamadu ay noqonayaan kuwo wanaagsan oo amar qaata,wuxuuna ballan qaaday iney abaabuli doonaan Ciidamada Xoogga dalka.

Farmaajo ayaa si weyn u ammaanay saraakiishii Ciidanka Xoogga dalka ee kala shaqeeyey in Al-shabaab Muqdisho laga saaro mudadii uu ahaa R/wasaaraha dalka,wuxuuna ku tilmaamay geesiyaal qaran,Madaxweynaha ayaa intaa kusii daray iney xasilinta dalka u mari doonaan hanaankii ay markii hore Al-shabaab Muqdisho kaga saareen.

Madaxweynaha ayaa markale ugu baaqay dhalinta ka tirsan Al-shabaab iney kasoo baxaan Kooxdaasi,wuxuuna hoosta ka xariiqay ineysan Al-shabaab ku guuleysan karin iney awood ku muquuniyaan dowladda,wuxuuna ugu baaqay Ciidanka Xoogga iyo kuwa AMISOM iney u diyaar garoobaan dagaal dalka lagaga saarayo Al-shabaab,isagoona ballan qaaday in 2 sano gudahood dalka laga ciribtirayo Al-shabaab.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment