3267 Views

Madxweene Faramaajo oo Al-shabaab ugu baaqay in ay hubka iskadhigaan oo ay yimaadaan miiska wadahadalka

Madxweene Faramaajo oo Al-shabaab ugu baaqay in ay hubka iskadhigaan oo ay yimaadaan miiska wadahadalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 12, 2017 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlayay munaasabada sanad-guurada 57aad markii la aas aasay ciidamada xoogga dalka ayaa ugu baaqay Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab inay hubka iska dhigaan oo ay wada xaajood la galaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay wada hadal la galaan Shabaab, isagoo ugu baaqay inay joojiyaan umadda ay leynayaan, iyo hantida ay bur burinayaan.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale cafis u fidiyay dhalinyarada Al-Shabaab, isagoo u jeediyay inay isaga soo baxaan oo ay dadkooda u soo laabtaan, waxaana uu u balan qaaday inay siinayaan meel ay degaan, mushaar, waxbarasho iyo farsamo ay ku noolaadaan.

“Al-Shabaab dadka hoggaanka ah waxa aad bur burineysaa rajada umadda Soomaaliyeed, ma bur burin kartaan dowladda Soomaaliyeed, mana qabsan kartaan, waxaa leeyahay dadka madaxda u ah Shabaab 10 sanno ayaa dagaaleysaan, waxaa diyaar u nahay inaan wada xaajood idinla galno, noo imaada, hubka iska dhiga, aan wada fariisano, hadaad nabad qaadan weydaan meel kasta aad joogtaan ayaa idinku imaaneyna”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in todobaadkii hore aanu isaga iclaamin dagaal, balse dadka u sheegay in dalka ku jiro xaalad dagaal, ujeedadana ay aheyd in dadka hurdada laga kiciyo, shacabka Soomaaliyeed la abaabulo, ciidanka Soomaaliyeed ay ogaadaan in Shabaab aysan mar kasta na soo weerarin, dagaalkana aanu aheyn hal dhinac oo uu yahay in labo dhinac.

Intii Madaxweynaha uu khudbadiisa watay ayuu u yeeray saraakiishii hoggaamineysay dagaaladii Muqdisho looga saaray Al-Shabaab sanadkii 2011, isagoo xusay inay dejinayaan qorshe mar kale lagu abaabulayo taliyeyaasha, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay la dagaalamaan musuq maasuq, isla markaana aanay dowladdan ka shaqeyn doonin qof tuug ah, isagoo ugu baaqay

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment