2688 Views

Shacabka Magaalada Baydhabo oo Fariin Digniin ah Loo Diray

Shacabka Magaalada Baydhabo oo Fariin Digniin ah Loo Diray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 12, 2017 –Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha ciidamada Booliska Koonfur Galbeed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa shacabka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay ka feejignaadaan Weeraro Qaraxyo ah oo ay geystaan Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa Shacabka ugu baaqay in ay muujiyaan Feejignaan dheeri ah.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay Shacabka kunool Magaalada Baydhabo in aysan fadhiisan goobaha dad weynaha.

Ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday Magaalada Baydhabo.
digniintani ayaa soo baxaday xili ay howgalo balaaran ay ka soconayeen magalada baydhabo maalmihii la soo dhaafay

3333

 

 

W/QBASHIIR BARRE ALI

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment