7521 Views

WARBIXIN:-Wax ka Ogaaw Cuudii Ay Lahaan Jirren Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed

WARBIXIN:-Wax ka Ogaaw  Cuudii Ay  Lahaan Jirren Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Taariikhda XDS waa arrin markasta laga hadlayo oo aay kaaga dhex muuqanaayso sharaf, karaamo, magac wanaagasa,geesinimo iyo guulaay u soo hooyiyeen umadda Soomaliyeed,islamarkaana markaaad dhinaca kale ka eegto iyo sida uu kudambeeyey aad kala kulmaaysid murugo naxdin,waa musiibo qaran oo xal u baahan.

Waajibaadka XDS waa:Inuu difaaco Dalka soomaliyeed bad,cir iyo dhulba kana difaaco cadow kasta oo iskudaya in uu kusoo xadgubo isagoo sihagar la’aan ah ugu huraya naftiisa.

XDS waxaa lagu aminay oo ay difaaci jireen calanka ummada soomaaliyeed.

Xubin kasta oo katirsa XDS marka uu kusoo biiro ciidan ka waxuu ku dhaaranayaa in uu difaacayo dalkiisa una hurayo naftiisa xubin kastaoo ka mid ah XDS waxaa lagu maamuusay in uu xirto calaamad kasamaaysan calanka soomaaliaya.

XDS waxaa la asaasay 12 Apriile 1960,waxuuna kakooban yahay ciidamada Lugta, Bada iyo Cirka.

Markii aay Soomaliya xoriyada qaadatay 1960,waxaa ogolaasho ama fasax ka heshey Qaramada Midowbaay U.N Si aay u dhisato ciidan ilaaliya xudeeda.

Waxaa ciidamadii ugu horeeyeyee soomaliya dhisato laga kala keenay labadii qaaybood ee ka xoroobay Ingriiska iyo Talyaaniga British somali land and Italian Somali.

Waqooyiga Somalia waxaa laga keenay Somaliland Scouts iyo Koonfurta oo laga keenay Somali Police Force’s Mobile Group ciidamadaa oo isku darkoodii noqday 5,000,kaas oo noqday ciidankii ugu horeeyee isku dhaf ah ee ay Soomaliya yeelato.

Taliyihii ugu horeeyeyee XDS yeesho waxuu ahaa AUN Genral Dauud Cabdulle Hirsi, kuxigeenkii suna waxuu ahaa AUN General Mohamed Siyaad Bare.

December 1961 waxaa dhacay isku day inqilaab oo saraakiil yar oo degaankaa waqooyi u dhashay ay wadeen haseyeeshee waala fashliliyey, waxeey ka cabanayeena waa awood qaaybsiga.

XDS wixii waqtigaa kadambeeyay waa la balaariyey waana la casriyeey isagoo si xad dhaaf ah u kobcayey.

Midowga Soveyti (M.S) Isagoo u arkaya khatar weeynoo kahor imanaaysa danihiisa, joogitaanka US geeska Africa ayuu si uu arintaa uga hortago dawlada Somalia heeshiis labaatan sanooo kaalmo milateri ah la saxiixday.

Ugu horaayntii waxuu MS u ogolaaday Soomaaliya dhaqaale gaaraya $ 32 million oo daayn ah si loo casriyeeyo XDS loona gaarsiiyo 14,000 tiro ahaan,Moskow waxaay hadana kordhisay dhaqaalhii lagu balaarinayey ciidanka Somaalied iyadoo gaarsiisey $ 55 million.

Waxaa sanad kasta loo dirayey MS laayli saraakiil iy saraakiil lagu sootababarayey, waaxaa soo dagayey qalab milatari, waxaa Iyana imanayey Soomaaliya saraakiil katirsan ciidamada MS oo tababarya Saraakiisha.

Ciidankii da’ada yaraa ayaa waxuu la kulmay tijaabadii u horaaysay,taasoo ahaayd dagaalkii uu la galay ciidankii da’adaweeynaaee Ethiopia 1964 iyadoo dagaalyahanno Soomaliyeedoo kagilgishay gumaaysiga cadawga xabashidaa ay June 16 ,1963 kabilaabeen hawlgalo dalka somaalida ee xabashidu gumaaysato gaarahaan Waqooyiga Wardheer.

waxaa dabadeed dhacaday in ciidmadii Ethiopia aay si arxandaro ah u laayeen dadkii soomaliyeedee degaankaa kudhaqnaa,XDS waxuu weerarku qaaday ciidamadii Ethiopianka ee kusugnaa xuduuda, XDS waxuu gacansiiyeyJabhadii Soomali Galbeed ee xaq u dirirka ahaayd.

Ciidamada Ethiopia waxaay soo qaadeen rogaal celin weerar iyagoo xagga cirka ka sooweerraray Galkacyo iyo Feerfeer Beledweeyne.

March 6, 1964 waxaay soomaaliya iyoEthopia islagarteen in dagaalka la joojiyo, waxaayna heshiisku kala saxiixdeenKhartuum (Sudan).

Markii la dilay AUN Madaxweeynihii Somaaliya Dr. Abdirashid A. Sharmarke October 15,1969 waxaa October,21,1969 lix bari kadib dhimashadii Madaxweeynaha inqilaab kula wareegay xukunkii dalka XDS oo uu hogaaminayo Jeneral Mohamed Siyaad Bare

Oo markaa ahaa taliyaha XDS.Waxaayna dhiseen Golihii Saree e Kacaanka oo wadanka xukumay mudo gaaraaysa 21 sano ilaa burburkii 1991.

1976 waqtigaasoo Dawldda Soomaliya si qarsoodi ah ugu diyaar garoo beeysay dagaalkii Soomali Gabeed waxaa Ciidamada lagu qiyaasayey in ay tiradoodu garayaaso:

23 Guuto oo ciidankalugta ah
2 Guuto ooKomaandoos ah
9 GuutoooTaangi ah
9 Guuto oo madaafiicda Goobta ah
4 Guuto oo ciidankaDifaaca ah
CiidankaCirka dayaaradaha Soomaaliya waxaay ahaayeen 52 dayaaradood,24 ka mid ah waxeey ahaayeenMig 21
Qaaybahaciidanka XDS 60aad Baydhabo; 21aad Dhusamareeb; 26aad Hargeeysa.
Saldhigyada 43aad Kismayo; 54aad Garowe.
Ciidanka Bada saldhiyadiisaXamar,Kismayoiyo Berbera.
Dagaalka xoraaynta Soomali Galbeed

Dagaalkii xoraaynta Somaali Galbeed (ogaadeenya) waxuu ku biloowday jamhado u dhashay degaankaa oo Somaaliya tababariyo taakulaaynba siinaaysay kuwaas dagaal gobanimadoona ah kawaday degaankaa xabashid u gumaysato

Dagaalkii waxuu u gudbay Soomaaliya iyo Ethiopia, iyadoo ujeedada dagaalku ahaayd in Soomaaliya Galbeed laga xoreeyoXabashida,dawladii waqtigaa Soomaliya kajirtayna aay ka go’naayd in gobolka wax kasta ha qaadatee la xoreeyo.

Todobaadkii u horeeyey e dagaalka waxaa ciidamada Soomaaliya usuurtagalay in aay gacanta kudhigaan bartamaha iyo koonfurta Soomali Galbeed.

Intii u udagaalku socday waxaa ciidamada Soomaalida marba marka ka dameeya aay ka soo hooynayeen guulo aad u balaaran waxaay ciidamada Somaaliya daba socdeen oo dabada kajireen ciidamadii Ethopia ee jabka iyo saxariirto haaysatay ilaaaay ka gareen gobolka Sidaamo.

September 1977 Ciidamada Soomaliya waxaay gacanta ku dhigeen dhamaan Gobolka Galbeed, waxaa kale oo aay qabsadeen magaalooyin muhim ah.

Ka dib markii ciidamada Soomaaliya aay go’doomiyeen magaaladaHarar, waxa adagaalka soogalay MidowgaSofiety oo u hiilinaya dawlda Ethiopia.

M.S waa uu taakulo dhanwalba ah siiyey ciidmadiiEthopia ee jabay, waxaa kale uudagaal kasoogaliyey in kabadan 18,000 ooKuubaan ah iyo tiro aan la ogeeyn oo madaafiicda goobta hogaaminayeyoo Yaman ah.

Ciidamada Soomaalidu aad ayeey ugu yaraayeen kuwa is bahaaysiga kasoohorjeeday,halka askari ee soomaaliga ah waxaa kusoobeeg mayey 12.5 askari oo isbabaaysiga ah.

M.S oo mudo dheer xulafo la ahaa Soomaliya sona tababaray ciidamada XDS iyo saraakiishaba,wuxuusi cad u diiday in Somaaliya Dagaal la gasho Ethiopia oo markaa Marki sim qaadatay xulafana la ah MS.

Waxaa jirta oraahdha haaysa (Siyaasadaayaadagaalkahogaamisa) XDS sidaas ayuu ku galay dagaalka isagoo arkayey khalado waaweeyn ee siyaasadeed oo dawalda Somaaliya galaayso.

MSoo dagaalkan ka soo horjeeda Soomaaliya,wuxuu yaqaana dhamaan xeeladaha dagaaliyo meelahaaan kajilicsanahay,sidoo kale waxaa dhib noqday sidii qalab dayactir loogu helilahaa hubkii MS ee aan kudagaalamay iyo sidii loo helilahaa keyd rasaas oo dagaalka lagu sii wado.

Dagaalkii 77 Somaaliyawaxaaynoqotaygo’doon ma jirincidkaalmeynaaysay.

Maraaykanka oo aan is lahaayn waa u idin taageerayaa, Madaxweeynihii ayaa diiday in xaga ciidanka na laga kaalmeeyo wuxuun ayiri “waxaay nala tahay in aysan soomaliya xaq u lahaayn in aay werarto Ethiopia”.

Dawladihii kale eejeclaa in aay Soomaliya caawinaan waxaayka baqeen labadii quwadood oo aduunka u weeynaa ooaanogoleen in Soomaliya laga kaalmeeyo arrinta sidaas ayayna uga baqeen,marka laga reebo dawladaCiraaq.

Bilowgii February 1978 ciidamada huwanta ee Etiopia,Kuba,yamaniyoRuushka ayaa weerar kusoo qaaday (counterattack) dhoor jiha ah kusoo qaaday ciidamadii Soomalida iyoRuushku xaga cirka kadaboolayo, weerar koodii xooga badnaa waxaay kusoo qaadeen aaga Jigjiga oo ciidamada Soomaaliyeed kusug naayeen dagaalkaa oo mudo dheer socday waxaa soomalida ugashahiiday 3,000 dhinaca huwanta waxaa ugadhintay in kabadan 6,000 oociidan ah.

Ugu dambaayntii ciidamadii Somaalidu gadaal ayeey u soogurteen waxaayna kusoo laabteen dhulkoodii.

KHASAARAHA DAGAALKA 1977

Dawladaha     Dhimashada         Dhaawaca        Maxaabiis     Wadarta

Itobiya              17,000                 25,000                  6,000          48,00

Somaliya           5,500                  2,409                  270 7               ,979

Kuuba                400                       0 0                   00                     400

Yaman              100                        0 0                    00                      100

M.Sofiety            33                       0 0                    00                         33

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment