2859 Views

Booliiska New York Oo sheegay In ay Heleen Maydka Garsoore Sheila Abdus-Salaam

Booliiska New York Oo sheegay In ay Heleen Maydka Garsoore Sheila Abdus-Salaam
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 14, 2017 –Garsoore Sheila Abdus-Salaam oo ah haweenaydii u horaysay ee madaw ah ee ka hawlgasha maxkamadda ugu saraysa New York, ayaa maydkeeda laga helay wabiga Hudson.
Booliiska New York ayaa sheegay in ay haweenaydan oo 65 jir ah ay ka soo saareen biyaha wabiga ka dib markii si degdeg ah loogu yeeray, dhimashadeedana waxay ku dhawaaqeen Arbacadii.
In la la’yahay waxaa booliiska ku wargaliyay ninkeeda.
Maydkeeda wuxuu ula muuqdaa sidii qof is dilay, balse baaritaanno ayay wali wadaan.
Dharkeedii ayay caadi u qabtay kamana muuqanin in jaraaxo loo gaystay, sida ay booliisku sheegeen.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment