3069 Views

DAAWO SAWIRADA:-Kulan looga hadlayey dib u eegista Dastuurka dalka oo Maanta Muqdisho lagu qabtay

DAAWO SAWIRADA:-Kulan looga hadlayey dib u eegista Dastuurka dalka oo Maanta Muqdisho lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 14, 2017-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Kulan kula yeeshay xafiis kiisa uu ku leeyahay magaalada Muqdisho safiirka wadanka ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Devid Concar.

Kulanka uu Madaxweynuhu layeeshay danjiraha wadanka Ingiriiska Mr. Devid ayaa waxaa ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe.

Muhiimada kulanka lagu lafaguray ayaa waxaa ka mid ahaa wanaajinta xidhiidhka lada dhinac, abaarta baaxadale ee ka jirta Soomaaliya gaar ahaan Puntland, taageerada horumarineed ee wadanka Ingiriisku ka fuliyo Puntland iyo shirka dhowaan ka dhicidoona magaalada London ee dalkan Ingiriiska kaas oo lagaga arrinsanayo arrimo la xidhiidha Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn uga xog waramay Danjiraha wadanka Ingiriiska Ambassador Devid xaalada abaareed ee ka jirta Puntland waxaana uu ka dhawaajiyey in maanta abaartu ay marayso meel adag oo ay u dhinteen dhulyaala u yihiin dad badan oo ku dhaqan degaanada Puntland, halka kuwo kalena ay miciin bideen inay ku soo xeroodaan magaalooyinka iyo tuuloyinka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynah ayaa tibaaxay in dawladda Punland iyo shacabkeeda oo is garabsanaya ay markasta la garab taagan yihiin gurmad iyo taakulayn dadkooda baaruhu saameeyeen, waxaana uu sheegay inay tahay wax loobahan yahay in gacan ay ka helaan dadkaasi beesha caalamka gaar ahaan dawladda Ingiriiska si loo bad baadiyi dadkaasi u li’anaya macaluusha iyo wax la’aanta daran.

Dhinaca kale waxa uu Madaxweynuhu uga Mahadnaqay wadanka Ingiriiska taageerada horumarineed ee uu ka fuliyo Puntland, kuwaas oo tusaale u ah xidhiidh ka wanaagsan ee u dhexeeya Puntland iyo Dalka Ingriiska, waxaana uu madaxweynuhu cadeeyey in dawladda Puntland ay diyaar u tahay wanaajinta iyo adkaynta xidhiidhkaasi gaamurey ee labada dhinac.

Danjiraha wadanka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Devid Concar ayaa dhankiisa sheegay inay ka qayb qaaddan doonaan gurmadka lagu caawinayo dadka abaaruhu wax yeeleeyeen.

Mr Devid ayaa sidoo kale shaagay in dawladda Ingiriisku diyaar u tahay sii wanaajinta xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Puntland iyo dalkiisa, isla markaana ay si dhow ula shaqayn doonaan dawladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas ayaa sheegay inay rajaynayaan in shirka dhowaan ka dhicidoona London ee khuseeya Soomaliya ay ka soo baxaan wax wanaagsan oo dan u ah horumarka Soomaliya iyo xidhiidhaka Soomaaliya iyo Ingiriiska.

PI

PO

 

PP

PU

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment