4032 Views

Waqtiga Uu Furmayo Wada hadalka U dhexeeya Galmudug Iyo Ahlusuna oo Lashaaciyay

Waqtiga Uu Furmayo Wada hadalka U dhexeeya Galmudug Iyo Ahlusuna oo Lashaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 14, 2017- Maamulka Galmudug ayaa sheegay wada hadalka u dhaxeeya Galmudug iyo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna in uu furmi doono, si loo sii amba qaado wada hadalka labada dhinac.

Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug Cusmaan Maxamed Cali (Socdaal) oo la hadlay QOL ayaa sheegay in berri oo Sabti ah Magaalada Muqdisho uu ka furmi doono wada hadal u dhaxeeya Ahlusunna iyo Galmudug.

Waxa uu sheegay wada hadalkan oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka, in ay rajeynayaan in uu ka soo baxo wax labada dhinac ay ku heshiiyaan oo shacabkana lagu hormariyo.
Sidoo kale Cusmaan Maxamed Cali Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay diyaar yihiin dhinacyada wada hadlaya, isaga oo sidoo kale sheegay in la soo saaray War-saxaafadeed arrintan la xiriirta.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa dhowaan ku heshiiyay in dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo 10-kii Bishan lagu balansanaa in ay dhacdo, balse la isku afgartay in 30-ka Bishan la qabto.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment