3006 Views

DAAWO SAWIRADA:-Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la soo tusay xarumaha dowladda Hoose

DAAWO SAWIRADA:-Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la soo tusay xarumaha dowladda Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 15, 2017-Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta lagu soo wareejiyay xarumaha muhiimka ee dowladda Hoose ee Muqdisho.

 

Guddoomiyaha cusub ayaa ugu horeyn tagay xarunta Aqalka dowladda Hoose ee loo yaqaano Viisha Governo, halkaasoo ay ku yaalaan Xafiisyada Guddoomiyaha Gobolka, kuxigeenada iyo agaasimayaasha waaxyaha.

Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir oo xilka baneynaya ayaa ku soo wareejiyay xarumaha, isagoo siiyay warbixino kala duwan habka ay u shaqeeyaan waaxyaha kala duwan ee gobolka.

Xarumaha la geeyay Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa ka mid ah xarunta waaxda gaadiidka dab damiska, xarunta dad dhigista, iyo qaar ka mid ah degmooyinka.

Guddoomiyaha cusub ayaa u mahad celiyay Guddoomiyihii hore waxyaabihii uu qabtay, isagoo xusay inay tahay wax la taaban karo oo muuqda.

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane ayaa Wariyeyaasha uga warbixiyay kormeerka Guddoomiyaha cusub, waxaana uu sheegay in caawa ay dhaceyso munaasabada xil wareejinta Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyihii hore.

Si kastaba ha ahaatee Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi ayaa waxaa sugaya howlo fara badan oo looga baahan yahay inuu wax ka qabto, sida xaalada ammaanka Muqdisho, in Gobolka Banaadir ay hesho xuquuqdeeda matalaad iyo in Gobolka uu yeesho gole deegaan oo soo doorta Guddoomiyaha iyo Duqa Muqdisho oo sanadihii dambe laga soo magacaabayay Villa Somalia.

.1 2  4 5 6

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment