2757 Views

Hay’ada Udooda Wariyaash Oo ka deyrisay Xaaladda Wariyeyaasha Somaliland

Hay’ada Udooda Wariyaash Oo ka deyrisay Xaaladda Wariyeyaasha Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 15, 2017Hay’adda U dooda Wariyeyaasha ee lagu magacaabo CPJ ayaa ka dayrisay Xaaladda ay ku sugan yihiin Wariyeyaasha ka howlgalla degaanada maamulka Somaliland ,maadaam ay la kulmayaan tacadiyo joogto ah oo kaga imaanaya Ciidamada booliska maamulka Somaliland.

Hay’adda ayaa si deg deg ah Somaliland uga codsatay in ay siidayso Wariye lagu magacaabo Abdirahman Arab Da’ud oo dhawaan lagu xiray Magaalada Hargeysa.

Waxaa ay sheegeen Mas’uuliyiinta Hay’adda CPJ in Wariyeyaasha Somaliland inta badan xarigooda loo maro sifo ka baxsan Sharciyadda Caalamiga ah.
“Saxafiyiinta Somaliland waa in ay awoodaan in ay si xor ah u shaqeeyaan iyagoo aan la kulmin cabsi iyo Hanjabaad ka timaada Ciidamada Booliska” ayuu yiri Xiriiriyaha Barnaamijka Africa CPJ Angela Quintal.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Somaliland ay ku caanbaxday xirxirida Wariyeyaasha dhaleeceeya.

Maamulka Somaliland ayaa Sanadyadii lasoo dhaafay laba jibaaray Xariga ay u geysanaayo Wariyeyaasha ka howlgalla degaanada Somaliland.

Xabsiyadda maamulka Somaliland ayaa waxaa ku jira Wariyeyaal xukun lagu riday iyo kuwa aan Wali la xukumi

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment