3915 Views

Inkabadan 2,000 tahriibayaal ah oo maanta gaaray xeebaha dalka Talyaaniga

Inkabadan 2,000 tahriibayaal ah oo maanta gaaray xeebaha dalka Talyaaniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 15, 2017Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in illaa 19 howlgalo badbaadin ah oo ay sameeyeen ilaalada xeebaha iyo ururada aan dowliga ahayn inay soo badbaadiyeen dad gaarayay 2,074 ruux kuwaasoo saarnaa illaa 16 doonyo baco ka sameysan iyo 3 doon oo alwaax laga sameeyay.

Ururka Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegay in ilmo yar oo meyd ah laga helay doon dusheed taasoo dadkii saarnaana la badbaadiyay.

Sidoo kale dhimashada ayaa waxaa xaqiijiyay afhayeenka ilaalada xeebaha Talyaaniga sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters.

MSF ayaa sheegtay in labo kamid ah maraakiibtooda wax badbaadiya Aquarius iyo Prudence ay soo badbaadiyeen illaa kun ruux oo saaran sagaal doon.

Sawir qaade u shaqeeya wakaalada wararka reuters Darrin Zammit Lupi ayaa sheegay in 19 sano oo uu wax ka qorayay dadka tahriibayaasha ah inuusan hore u arag dadka maanta uu arkay ee la soo badbaadiyay.

Sida ay sheegtay hay’ada Soogalootiga Caalamiga ah dad ku dhow 32,000 oo tahriibayaal ah ayaa gaaray qaarada Yurub tan iyo bilowgii sanadkan iyadoo 650 kalana ay dhinteen.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment