3693 Views

Qaxooti Somali Oo Lagu Xiray Wadanka Maraykanka.

Qaxooti Somali Oo Lagu Xiray Wadanka  Maraykanka.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 15, 2017-–Urur Qareeno ah ayaa sheegay inay Hay’adda Socdaalka iyo Xoojinta Canshuuraha Maraykanka ee ICE xireen 10 qof oo Somali oo deganaa Naxaawiga Caasimadda Gobalka Georgia ee Atlanta, iyadoo qabqabasho kalena ka dhacay magaalladda Clarkston ee Gobalka Michigan.

Glory Kilanko oo ah Asaasaha iyo Guddoomiyaha Fulinta ee Ururka Qareenadda ee Women Watch Africa ayaa sheegtay in la xiray 9 nin oo Somali ah iyo Haweeney Somali ah.

Waxay intaasi ku dartay inay badankooda ahaayeen Qaxooti.

Afhayeenka Hay’adda Socdaalka Maraykanka, Bryan Cox ayaa xaqiijiyey in la qabtay 2 qof oo Somali ah, balse aysan jirin Hawlgalo Khaas ah oo ka dhacay magaalladda Atlanta o oay ku nool yihiin Kumanaan Qaxooti Somali ah.

Waxa uu intaasi ku daray inay dadkaasi sheegteen inay yihiin Qaxooti, balse la ogaaday inaysan ahayn Qaxooti, o oay yihiin Shisheeyaha sharci-daradda ugu nool Maraykanka.

Afhayeenka  waxa uu magacyada 2-da qof ee la qabtay ku kala sheegay Cabdulle Isaaq iyto Axmed Muuse.

Qabqabashadda Soomaalida aan sharciga ku lahayn Maraykanka ayaa timid, iyadoo ay Dowladda Maraykanka qorsheynayso inay 4,000 oo qof oo Somali ah dib loogu soo ceeliyo Somalia sannadkan.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment