3420 Views

Taliyaha ciidanka Asluubta oo sheegay inay dib u dhis ku sameynayaan xaruntii taliska ee KM7

Taliyaha ciidanka Asluubta oo sheegay inay dib u dhis ku sameynayaan xaruntii taliska ee KM7
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 15, 2017-– Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan  ayaa sheegay inay dib u dhisayaan Xaruntii Taliska uu ku lahaa KM7 ee magaalada Muqdisho, kaddib markii  uu kormeer ku tegay halkaasi.

Muqdisho | April 15, 2017-–Jeneraal Xuseen Xasan Cismaan oo kormeeray Xafiisyadii ay ku shaqeyn jireen Saraakiisha iyo Ciidamada Asluubta ayaa sheegay in dib u habeynta Xaruntaan ay wax badan ka tari doonto dar dargalinta howllaha horyaalla ciidamada Asluubta.

“Waxaan dib u dhiseynaa Xaruntaan, waxaa gaaray burbur xooggan, inaga oo kaashaneyna Hay’adaha Caalamiga ee na kaalmeeya iyo Dowladda ayaa rabnaa in aan dib u dhis ku sameyno xaruntan” ayuu yiri Taliya Ciidanka Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa dhan kale ka digay iibsashada hantida Asluubta oo ay ka mid tahay dhismayaashii uu lahaa Taliska, isaga oo xusay in cid kasta oo isku deyda arrintaasi ay tallaabo ka qaadayaan .

“Waxaan kale oo aan halkaan ka cadeynayaa in aan aqbali doonin hantida Asluubta oo ay ka mid tahay xarumaha in la dego ama la iibsado cid kasta oo ku howlan kama aqbaleyno” ayuu hadalkiisa ku daray.

Waa booqashadii ugu horeysay ee uu Taliyaha cusub ee Ciidamada Asluubta Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan  ku tego Xarunta Taliska tan iyo markii uu la wareegay toddobaad ka hor.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment