3081 Views

Warar is Qilaafsan oo ka soo Baxaya Dib u Qorrida Dastuurka Qaranka.

Warar is Qilaafsan oo ka soo Baxaya Dib u Qorrida Dastuurka Qaranka.
____________________________________________________________________________

April 15, 2017

 

Warar is Qilaafsan oo ka soo Baxaya Dib u Qorrida Dastuurka Qaranka.

Ereyadii: Abwaan Cabduqadir Xuseen

  • Gayigeyga Hooyow
  • Nin kastoo gaf kaa galay
  • Ama kugu gabood falay
  • Ama Geesi kaa dilay
  • Ama Gadey (iib saday) dadkaagii
  • Waan Garsoori doonaa!!!

Warar aanu ka heleyno ilo muhiim ah, ayaa waxay sheegayaan in uu ka jiro Muran Xoogan qaabka ama sida ugu wanaagsan ee loo sixi karo ama loogu sameyn karo dib u habeyn Tastuurka Qaran, waxaana soo if baxaya in ay jiraan Culeysyo ka imaanaya Wadama Shishiiye iyagoo adeegsanaya Shaqsiyaad Somaali ah oo isugu jira Siyaasiyiin iyo Xildhibaano.

Sikastaba waxaa xaqiiq ah dalba dalkuu ka Dastuur fiicanyahay, waa ka nabad iyo Sharaf wanaagsan yahay, mana dhici karto in lagu xad gudbo Sharafta iyo Qaranimada Dalkaas, waayo Dastuurka waa ilaaliyaha Kaaramada iyo Xuriyada umadi ay leedahay, mana dhici karto in lagu soo xad gudbo Xududaha uu leeyahay dalkaas.

Hadaba waxaa waa JIB ah in si Aqoon iyo Taxadir leh looga fiirsado QORIDA Dastuurka Qaranka, waxaana loo bahan yahay in loo magacaabo Gudi ka kooban Aqoonyahano lagu yaqaano Muwaadin nimo iyo daacadnimo, si loo helo Dastuur lagu bad baadiyo Karaamada iyo Xuriyada Somaaliyeed, waayo waxaa caada noqotay in lagu soo xadgudbo Xuduudihii dalka, lana qaato Kheyraadkii dalka iyadoo marwalba lala galo Heshiisyo aan jirin Maamul Goboleedyo iyo Shirkado barayfit ah, iyadoo aan la soo marin Dowlada Sare, taasina waxay ku tusineysaa in aysan jirin Awood looga Baqayo ama cid ilaalisa Xuduudahiisa, “no man’s land”

War iyo dhamaan waxaan aad u  dhiiri gelinayaa in si deg deg loo Qoro Dastuurka, loona dhameystiro, si wax looga qabto ku Xad gudubka joogtada ah ee lagu Hayo Xuduudaha Dalka iyo Kheyraadka dalka, waayo dalkan wuxuu ka Dagi la’yahay Dowlado shisheeye oo aan rabin in Dalka lagu dhaqo ama lagu maamulo Shuruuc Adag, si loo ilaaliyo Karaamada iyo Xuriyada Dalka, waxaana Gacan siinaya Dowladahaas shisheeyey Shaqsiyaad Somaali ah oo Xiriir hoose la leh wadamadaas (undercover agents).

Ugu Dambeyn waxaan FARIIN CULUS u dirayaa Madaxweynaha, Ra’isulwasaraha iyo labada Gole in si deg deg loo howlgeliyo Qorida Dastuurka, lagana qeyb geliyo Taladiisa Shacabka Somaaliyeed, iyadoo laga Tixraacayo Dastuurkii 60-ka, Golaha wasiiradana waa in ay Axsixiyaan Miisaaniyada Qarashka ku baxayo Qorida Datuurka, waana in loo sameeyo Gudi lagula Xisaabtamo Qarashka.

Waxaan aad u DIIDANAHAY Ereyga ah Dhameystirka Dastuurka ee mar walba lagu soo cel celiyo, Xaqiiqdii Majiro Dastuur Qoran oo u bahan Dhameystir ee waxaa jira Dastuur ay sameysteen Dowladu Shisheeye, iyadoo larabo in lagu Marin habaabiyo Xuriyada iyo Xuquuqda Shacabka, iyadoo la dhiiri gelinayo Hadaladii ay hada ka hor tiri,  Ameerika Diplomat, Ms, Condoleezza Rice ee ahaa “ma aha wax la aqbali karo, in dal ay ku noo shahay 80 Millyan uu ahaado XEEB la’aan, Dal ay ku Nooshay in kayar 10 Millyana ay heystaan Xeebta ugu dheer Afrika”, taasina waxay ku tusineysaa Ms, Rice in ay isticmaali laheyd Awooda Ameerika, hadii ay soo leexin karto Badeena”.

Hadaba Ms, Rice waxaysan ogeyn Markii Alla Qeybinayey Kheyraadkiisa in aan u helnay Qeyb ahaan NIMCADA aan heysano, mana jirto Cid aan ka Xoognay, laakiin iyadu waxay Jeclaan lahayd in Xoog iyo Xeeladba lagu istic maalo Xeebaheena, iyadoo Xaqireysa  Xuriyada iyo Jiritaanka umada Somaaliyeed.

Horaa loo yiri “Alla aamin, ma’iisho” libaax nin ganayna og, nin galadayna og”  waqti ay noqotaba waa la is Xisaabin doonaa!!!

 

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment