2784 Views

Xiisad Adag Oo U Dhaxaysa Maraykanka Iyo Kuuroyada waqooyi

Xiisad  Adag Oo U Dhaxaysa Maraykanka Iyo Kuuroyada waqooyi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 15, 2017-Dowladda Kuuriyadda Waqooyi ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay jawaab adag ay ka bixiso daandaansiga dowladda Mareykanka.

Khilaafka labada dal ayaa yimid kaddib markii dowlada K/waqooyi ay tijaabisay dhowr gantaal taasi oo ka careysiisay dalal ay kamid yihiin Japan iyo Mareykanka.

Shiinaha ayaa ka digay dagaal ka dhex qarxa dalalka Mareykanka iyo Kuuriyada waqooy.
Wasiirka arrimhaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in dagaalka aysan cidna ku guuleysaneynin.

Wasiir ku xigeenka arrimha dibada ee Kuuriyadda Waqooyi Mr Han Song-ryol ayaa isna dhankiisa sheegay in uu rumesanyahay in Madaxweynaha Mareykanka uu wado qorshe uu ku burburinayo dalkiisa.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment