2784 Views

Kooxo Hubeysan oo Sakay Hobiyayaal ku Garacay Xafada Wada Jir.

____________________________________________________________________________

April 16, 2017

 

Kooxo Hubeysan oo Sakay Hobiyayaal ku Garacay Xafada Wada Jir.

 

Sakay barqadii ayaa Hobiyaal lagu soo riday Xafada Buulo Xubay, waxaana ku dhawacmay dad Rayid ah, welina lama oga Xaalada dadkaas dhawacmay.

Waxaa goobtii dhibka ka dhacay soo garay Ciidamada Amaanka, waxayna halkaas ku dileen Kooxdii ka dambeysay ridida Hoobiya yaasha. Falalka noocan ah ayaa dhib wayn ku haya shacabka, waxaana caada noqotay in aan inta badan la qaban dadka ka dambeeya dhibaatooyinka loo geysto shacabka.

Hadaba maanta waa maalin geli doonto Taariikhda, waana guul u soo hoyatay Shacabka iyo Dowlada. Waxaana xaqiiq ah, hadii la isticmaalo Aqoonta, Daacadnimada iyo Caqliga suuban, waxaa wax badan laga qaban karaa Sugida Amaanka Muqdisho, mana qaadan doonto waqti dheer in la suggo Amaanka guud.

 

Waxaana xaqiiq ah, hadii shacabka iyo dowlada ay u wada shaqeeyaan si daacadnimo leh,  wax badan ayaa laga qaban karaa sugida Amaanka, waxaana la heli doonaa Nabad iyo Amaan lagu wada Nasto.

Ugu dambeyn, waxaan Alla ka baryeynaa in uu umadiisa u gargaaro, kana qabto kuwa dhibka ku haya, waayo waxaa dadkeenii iyo dalkeenii lagu Halaagay, Cabsi, Gaajo iyo Colaad aan Dhamaan.

Allow Nasii Madax Caadila oo u damqada dhibka ay ku jirto umada Somaaliyeed, kuna dadaasha soo celinta Karaamada iyo Qaranimada umadeena. “Amiin”

 

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment