4485 Views

AMISOM oo Wasiiro ka tirsan Dowladda u diiday iney gudaha u galaan Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho

AMISOM oo Wasiiro ka tirsan Dowladda u diiday iney gudaha u galaan Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 17, 2017Ciidamada AMISOM ayaa Maanta Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya u diiday iney gudaha u galaan Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho oo fariisin u ah Ciidanka AMISOM.

Xubno ay kamid yihiin Wasiirka Amniga,Wasiirka Gaashaandhiga,Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Qaarada Afrika Mr.Axmed Axmed ayaa loo diiday iney gudaha u galaan Garoonka Stadium Muqdisho.

Ciidanka AMISOM ayaa kahor joogsaday Madaxda iney galaan Garoonka,waxaana la sheegay in masuuliyiinta ay dib uga soo laabteen halkaasi,Mudo kadib ayey Saraakiisha AMISOM xiriir lasoo sameeyeen Masuuliyiinta dowladda Masuuliyiinta ayaa markale dib ugu laabtay Stadium Muqdisho oo ay kormeer ku sameeyeen xaalada uu ku sugan yahay.

AMISOM ayaa wariyaasha u diiday iney galaan Garoonka,Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Qaarada Africa Mr.Axmed ayaa sidoo kale Maanta booqday Garoomada waaweyn ee lagu Ciyaaro Kubadda Cagta oo ay kamid yihiin Jaamacadaha iyo Banaadir Stadium Ex.Connis.

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Qaarada Africa ayaa u kuurgalaya xaaladaha Sportiga dalka,waxaana la filayaa inuu Maanta galinka danbe kulan la qaato Madaxda ugu saraysa dalka

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment