2652 Views

Dawlada Soomaaliya Oo Hanbalyo U Diratay Madaxweyne Erdogan

Dawlada Soomaaliya Oo Hanbalyo U Diratay Madaxweyne Erdogan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 17, 2017–War Saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka ah ee soomaaliya ayaa loogu hambalyeeyay Dowladda iyo shacbiga Turkiga guushii wax ku oolka ajeyd ee ay ka  soo hooyeen aftidii dhinaca Dastuurka ee maalinimadii shalay ka dhacday dalkaasi.

“Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan guushii uu ka gaaray Aftidaasi ,taas oo u horseedeysa in uu ku hoggaamiyo dalkaasi karti iyo horumar,waxaana ku kalsoonahay in tallaabadii ay qaadeen dadka Turkiga ay horseedeyso hoggaamin wanaagsan” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay Dowladda Turkiga in ay tahay saaxiib, qiimo leh oo ka mid ah taageerayaasha caawiya Soomaaliya, taas oo aaan u aragno in ay xoojineyso xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Labada Dowladood.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment