2433 Views

Ilaalada xaruntii hay’ada Unicef Oo Baaq u diray Danjire Keating

Ilaalada xaruntii hay’ada Unicef Oo Baaq u diray Danjire Keating
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 17, 2017–Qaar ka mid ah ilaalada xaruntii hay’ada Unicef ay ku lahayd magaalada Jowhar ayaa ugu baaqay Wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Keating in uu wax ka qabto dayacaad ay ku sameysay hay’ada Unicef.

Ilaaladan oo illaa iyo haatan ku sugan xaruntii hay’ada UNICEF ee bartamaha Koofurta Soomaaliya ku lahayd magaalada Jowhar oo ka kooban dhismooyin kala duwan ayaa waxa ay sheegeen in muddo afar sano iyo lix bilood ah ay ilaalinayeen xaruntaas ayna wax daryeel ah ka helin hay’ada Unicef.

Cabdwahaab Cali Axmed oo ka mid ah ilaaladan ayaa u sheegay jowhar.com in hay’ada Unicef saraakiil ka tirsan ay ku ogaayeen inay ilaaliyaan xaruntan balse aysan dib dambe aysan ugu soo laaban marka laga reebo iyagoo qalab muhiim ah ka qaatay xeradaas.

“Waxaan ka codsanaynaa hay’ada Qaramada Midoobay inay xuquuqda aan ku leenahay Unicef aan ka helno annagoo ah shaqaale rasmi ah oo ka tirsan hay’ada Unicef dhibaato badana ka soo marnay xeradan.”ayuu yiri Cabdwahaab Cali Axmed.

“ Labo kamid ahayd Ilaalada xarunta hay’ada Unicef waxa ay u dhinteen jirdil ka soo gaaray ururka Alshabaab hadana waxaan ku joognaa lix ruux oo aan wax xuquuq ah ka helin Unicef muddo ka b adan afar sano.”ayuu yiri Cabdwahaab Cali Axmed oo ka mid ah ilaalada xaruntan.

Dhismaha hay’ada Unicef ku lahayd magaalada Jowhar ayaa waxaa haatan ay u baahan tahay dayarctir kooban iyadoo ilaalada ay badbaadiyeen xaruntan waxaana weli ilaalo ka ah xaruntan ilaaladii hore ugu shaqeyn jirtey hay’ada Unicef.

Ilaalada codsiga u dirtey Wakiilka Qaramada Midoobay Mr Keating ayaa hore waxa ay muddo dheer uga ahaayeen shaqaale xaruntan waxayna ugu baaqeen in uu xuquuqdii ay ku lahaayeen hay’ada Unicef ay ka helaan.

1

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment