2712 Views

Wasiir Warafaafinta Sooaaliya oo daah furay barnaamijka Ay Kuwada Shaqaynayaan Hay’adaha Dowladda

Wasiir Warafaafinta Sooaaliya oo daah furay barnaamijka Ay Kuwada Shaqaynayaan Hay’adaha Dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 17, 2017-–Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa  daah furay barnaamijka Xiriirka iyo Wadashaqeynta ee Hay’adaha dowlada qeybahooda Warfaafinta & kuwa Caalamka.

Wasiir Eng. Yarisow oo ka hadlay munaasabada daahfurka ayaa yiri “Barnaamijka Xiriirka iyo Wadashaqeynta ujeedadiisu waxey tahay sidii lagu xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya hay’adaha dowlada oo la xoojiyo xiriirka, loona sameeyo nidaam iyo hab raac loo maro oo Wasaarada Warfaafinta ay hormuud ka noqoto si loo mideeyo fariimaha dowladda ay u direyso shacabka Soomaaliyeed.”

Kulanka maanta ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha, Madaxtooyada, Wasaaradaha Dowladda iyo Qeybta Warfafinta ee AMISOM, iyadoo looga hadlay sidii loo mideyn lahaa horumarinta warbaahinta dalka. Kulankan ayaa ahaa mid lagu bilaabay xoojinta iyo wadashaqeynta ee dhanka warfaafinta, iyadoo la isla gartay in dhammaan saraakiisha warfaafinta ee hay’adaha dowladda ay wada hoos yimaadaan Wasaarada Warfaafinta oo u qaabilsan Dowladda Siyaasada iyo Istraatejiyada Warbaahinta Dalka.

Kulanka maanta ayaa looga hadlay dhacdooyinka usbuucii tagay iyadoo laga bartay waxii cashar ah ee loo baahanyahay in la sii horumariyo iyo falanqeyn lagu sameeyey dhacdooyinka usbuuca soo socda iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqeynta.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey oo yiri “Waxaa muhiim ah in la mideeyo fariimaha iyo wadashaqeynta si shacabka loogu adeego. Bacdamaa ay Dowladan heysato kalsoonida shacabka, Wasaarada Warfaafinta waxaa ka go’an in bulshada iyo dowlada la isku xiro, iyadoo dhowaan la bilaabi doono wacyigelin bulsho oo baahsan oo diirada saara arrimaha muhiimka u ah shacabka sida gurmadka abaaraha, amniga, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dimoqraadiyeynta dalka

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment