4908 Views

DEG DEG: Madaxweynaha Rwanda oo goor dhow ka dagay dalka Jabuuti

DEG DEG: Madaxweynaha Rwanda oo goor dhow ka dagay dalka Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 18, 2017–Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Jabaauti ka dagay wafdi uu hogaaminaayo  madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle.

Booqasho laba maalmood qaadan doonta ayaa madaxweyne Paul Kagame waxaa uu ku tagay Jabuuti, waxaana ku wehlinaya marwadiisa koowaad, waxaana Inta uu joogo Jabuuti kulamo uu la qaadan doonaa madaxda wadanka Jabuuti, oo uu kala hadli doona arrimaha labada dal Jabuuti iyo Rwanda iyo kuwa quseeya qaarada Africa.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment