3204 Views

DEG-DEG :-Nabadoon Caan Ka ahaa Baldweyne Oo Caawa Lagutoogtay Magalaadaas

DEG-DEG :-Nabadoon Caan Ka ahaa Baldweyne Oo Caawa Lagutoogtay Magalaadaas
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Abriil 18, 2017 –Kooxo hubeysan ayaa caawa xaafada Howlwadaag Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxa ay ku dileen Nabadoon, sida uu soo sheegayo goobjooge kusugan Magaaladaasi.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka, iyaga oo Rasaas kaga furay qeybta sare ee jirkiisa, kadibna halkaasi ayay ka baxsadeen.

Dadka Degaanka ayaa Q.O.L u sheegay Nabadoonka la dilay in lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Dhicisow, kaasi oo la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Jowhar.
Ciidanka ammaanka oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay harereeyeen goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka wada baaritaano la xiriira dilkan iyo sidii loo soo qaban lahaa raggii dilkan fuliyay.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment